“Ninka Yidhi Somaliland Go’itaan Xaq Uma Laha War Mooge Dheh-1!!W/Q;Axmed C. Sabayste. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ninka Yidhi Somaliland Go’itaan Xaq Uma Laha War Mooge Dheh-1!!W/Q;Axmed C. Sabayste.
August 13, 2020 - Written by Editor:

Wuxu Abwaan CabdiQays: “OGOW SELELKA TAAHIYO SAKARAD LOLKABA SOWTKEENA SAMEEYO MID SAACAD WEEYE…”

Maalin dhoweyd ayaa waxan ka halacsaday mid ka mid ah bar kulanada bushada nin tabliiqi siyaasadeed ah oo koox madal ilyartu isqabatay fadhida  ka jeedinaya khudbad nuxur keedu yahay: “SOMALILAND XAQ UMA LAHA GO’ITAAN !!” Marka uu ninku hadal ku yara nuux-nuuxsadaba, dhegeystayaashu waxay ugu jiibinayeen sacab iyo sawaxan. Markaad u sii fiirsato waxabad moodaa in dadka madasha fadhiyey kurbo iyo kaar ku taagnaa laga dulqaaday.

Ugu horeyn ereyga ” GO’ITAAN” ayaa sidiisaba u ah qadaf sharciyadeed marka laga hadlayo xaq ummadeed. Ninka hadalka jeedinayey oo magaciisu yahay H. Warsame, wuxu daliishanayay mabaadi’ii iyo afkaar soo jireen hase ahaatee aan qadiyaada Somaliland sinaba u saameyn.  Fikaradahaas ayaa hore u qabay in haddii dalka qeyb ka mid ihi ka go’ayso, waa in ogolaansho laga helaa kan laga go’ayo am ha liito ama awood ha lahaado! Fikradahaa iyo mabaadi’iidaa soo jireenka ah waxa wax weyn ka bedelay burbuurkii Midowgii Soofiyeet iyo hayl-haylankii qobotolkii Yuguslaafiya.

Waata Soomaalidu ku maah maahda: “Meyd maxaa u dambeeyey, iyo kan hadda la sii sido.” Qobotolkii Jamhuuriyaddi Federaalka Yuguslaafiya markay qabcadiba dhinac u duushay waxaynu ognahay in iyadoon Dowladdii Federaalka ogolaanshoba la weydiin, ugu horeynba waxa ictiraaf deg deg ah helay Croatia iyo Solovenia. Waxa iyana iskood madaxbannaani ugu dhawaaqya Macedonia, Bosnia-Herzegovina, Kosovo. Hadhaagii Federaalku wuxu ku soo ururay Seerbiya iyana waxay bilowday isir-gumaad ay kula kacday qowmiyaddii Muslilmka ahay ee Bosnia-Herzegovina. Waxan filayaa in dad badani weli xasuusanyahay duqayntii Sarayevo iyo xasuuqii Siribinija, iyo Mostar.

Fikir sharciyadeed oo kan Warsame daliishanayo ka duwan oo soo jireen ah ayaa sida nin lagu magacaabo Mr. Crawford oo sharci yaqaan aha ayaa isna sidan tibaaxaya, wana ta meel-marisay kala furufurkii Yuguslaafiya:

“When a sovereign state, from exhaustion or any other cause, has virtually and substantially abandoned the struggle for supremacy, it has no right to complain if a foreign state treats the independence of its former subjects as de facto established; nor can it prolong its sovereignty by a mere paper assertion of right.’’

Marka Qaran Xor ihi, burbur awgii ama sobobo kale u nuglaado tahlnaiwaayo sugitaanka haybadda jiritaankiisa, marna xaq uma laha in uu ka dacwooto haddii dowlad shisheeye qaybo shicibkeeda ka mid ah u aqoonsato madaxbannaani; kamana dhigan karto cimri dherer sheegasho qarannimo aan dhafsanayn qoraal warqadeed ama hadal af laga yidhi oon xikmad kale ku dheenayn.

Qeybaha dambe waxaynu iftiimin doonaa isdiidooyinka sharciyadeed iyo mugdigii ku gedaanaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee la kowsatay 1 Juulay, 1960.

Dhegihii Alla waani wwedha kaa maqlee kuwa dhukaygu awday ma waxbay maqlaan.

QALINKII;Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

August 12, 2020.

COMMENTS
LINKS