Muj Cali Guray Oo Taageeray Musharaxnimada Siyaasi Abiib Xasan Filfil, Kana Sheekeeyay Maalmo Adag Oo Ay Soo Wada Mareen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Taageeray Musharaxnimada Siyaasi Abiib Xasan Filfil, Kana Sheekeeyay Maalmo Adag Oo Ay Soo Wada Mareen!
August 14, 2020 - Written by Editor:

“Maalintii Aan Qaatay Abiib Xasan Filfil Waxay Ahayd Maalin Adag”Siyaasi Cali Guray

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray”oo kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ee badi ka faalooda xaaladaha daka iyo hadba wacyiga taagan ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada siyaasi Abiib Xasan filfil oo dhawaan shaaciyay in uu utaagan doorashada golaha wakiilada ee soo socoto,

Sidoo kale Siyaasi Cali Guray Ayaa sifeeyay shakhsiyada Abiib Xasan Filfil iyo go,aan qaadashadiisa maalmo adag oo uu bartay.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu kaga hadlayo murashaxnimada abiib xasan filfil ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“MAALINTII AAN QAATAY ABIIB XASAN FILFIL WAXAY AHAYD MAALIN ADAG”CALI GURAY

Xildhibaan Soo Socda. Waa laguu Yaqaan. Waa Nin Wax Badan Og oo Wax Badan U Soo Joogay. Waxan si gaar ah ugu xasuustaa doorashadii 2010kii ee Madaxtooyada oo uu ka mid ahaa wasiiradii UDUB. Markii tiradii codadka Gebilay ay dhamaatay ayaa markiiba rag yidhaahdeen Kulmiyaa wax boobay. Anigu qofkii keli ahaa een isagoo Gebilay jooga oo Wasiir UDUB ahna tilfoonka ku waydiiyay jawaabtiisana ku qancay wuxu ahaa Abiib Filfil. “Waar bal ka warran xaaladda?” ayaan waydiiyay, waa la ina boobay bay leeyihiine. Wuxu iigu jawaabay “waryaa Caligurey ha dhegaysan Gebilay gelin hore ayaa la inaga helay meel la inagu boobayna ma jirto ee ha dhegaysanin”.

Tiisii ayay noqotay. Ninka ragga ah maalintiisa anigu ma qariyo maalinteeda in aan sheegona wuu igu leeyahay. Maalintaa kuwii lahaa waa la ina boobay goobta may joogin runtana way ogaayeen balse may liqi karayn sidii aniga iyo Abiib oo way qadhaadhayd.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF

HARGEISA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS