|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Markab La Sheegay In Lagu Afduubay Xeebaha Somaliya.
August 23, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabka ku gooshayay calanka dalka Panama ee lagu tuhunsanaa in ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah uu haatan bad qabo. Bayaan ay soo saareen, ayay meesha kaga saareen warbixinno la xiriira afduubka markabka ee burcad-badeedda Soomaalida. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Markabka Aegean II uu wax ka bedelay safarkiisa markii ay soo wajahday cilad farsamo, kadibna booliis katirsan ciidanka Puntland ayaa fuulay dushiisa. Sidoo kale Bayaankan ayaa lagu sheegay in markabka uu kor kala socday markab dagaal oo Isbaanish ah oo ka mid ah howlgalka ciidamada badda. “Waqtigan xaadirka ah, laguma tilmaami karo inuu yahay dhacdo amni,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay howlgalka. Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Amniga ayaa si wada jir ah u qaatay Go’aan dib loogu cusboonaysiinayo ogolaanshaha talaabooyinka la-dagaallanka burcad-badeednimada illaa Diseembar 2020. Warar kale oo madax bannaan ooย laga helayo ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Puntland oo markabka loo diray ay hub kala dageen markabka, iyagoo kadibna baxsaday. Maamulka Puntland ayaa baadigoob ugu jira sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa ciidamada hubka kala baxsaday markabka. WAJAALENEWS DESK
Related posts:DAAWO: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqameedka Gobolka Sanaag. ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ O๐จ D๐จ๐จ๐ง๐๐ฒ๐ ๐ข๐ง๐๐ฒ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐d๐ Somaliland ๐ข๐ฒ๐จ Xisbiyadda ๐ฆ๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ... DAAWO: Xildhibaanada Wakiillada Iyo Guurtida Ee Gobolada Awdal Iyo Salel Oo Si Adag Uga Soo Horjeest... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |