Magacyadda Murrashaxiinta Buuxiyay Shuruudihii Looga Baahnaa Xubnaha U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyadda Murrashaxiinta Buuxiyay Shuruudihii Looga Baahnaa Xubnaha U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.
August 30, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga kulmiye ayaa si caadi ah usocota kaasi oo lagu wado in uu Qabsoomo horaanta bishan sagaalaad iyadoo ay socoto qabashada araajida murashixiinta utartamaya Hogaanka xisbiga kuwaasi oo inta la ogyahay  ay jiraan masuuliyiin buuxiyay shuruudihii ay gudida qaban Qaabadu ku xidhay xubnaha utartamaya hogaanka xisbiga kulmiya.

Xubnaha Ilaa hada buuxiyay shuruudihii looga baahnaa xubnaha usharaxan hogaanka xisbiya ayaa sida ay xogaha laga helayo shirwaynaha xisbiga waxay kala yihiin;

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ahna gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ku shubey xisbiga Kulmiye, lacag dhan 128 milyan oo shillin oo ka mid aheyd shuruudaha looga baahan iney buuxiyaan murashaxiinta u tartamaaya gudoomiyaha xisbiga.

Sida ay ii xaqiijine ilahan xog ogaalka ahi,

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin ahna gudoomiye ku xigeenka ayaa isaguna shubey lacag dhan 68 milyan oo shillin oo ka mid aheyd shuruudaha murashaxiinta gudoomiye ku xigeenada u tartamaya, Wasiir Maxamed ayaa u tartamaya sida la ii xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka koobad ee xisbiga oo uu hada yahey mar labaad.

Axmed Cabdi dheere, Xuseen Aadan Cadde iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa iyaguna shubey sidoo kale min 68 milyan oo shillin oo aheyd shuruudaha murashaxiinta gudooomiye ku xigeenada xisbiga,

Axmed Cabdi Dheere oo hada ah gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga ayaa isaguna u sharaxan jagadaas mar labaad.

Xuseen Aadan Cadde oo ah gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye ayaa u sharaxan gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Kulmiye mar kale isaguna.

Halka wasiirka ganacsigu Saajin u sharaxan yahey gudoomiye ku xigeenka afaraad ee xisbiga oo hada uu hayo jagaadasi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici.

Murashaxiinta kale ee hore u shaaciyey iney u ordaan kuraasta Xisbiga ugu sareysa ayaan iyagu shubin dhaqaalaha loogu talo galey iney shubaan ka hor shirweynaha Xisbiga ee loo qoondeyey inuu qabsoomo horaanta bisha October ee sanadkan 2020-ka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS