|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan la Qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
August 25, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland. Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka. Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:"Waanu Joojinay Wadahadalkii Soomaaliya, Mana Aqbaleyno In Aan Hadal Lasii Wadno Nin Maalin Walba Ku... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hanjabaad Culus Udiray Cida Lagu Arko Meheradahooga Oo Furan, ... Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uduray Xil Naasir C. Shire Oo Hadalo Deel Qaaf Ah Kula Dul Dhacay Asta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|