Ma Xal La’Aan Baa Xal Ii Noqon? Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Xal La’Aan Baa Xal Ii Noqon? Siyaasi Cali Guray.
August 23, 2020 - Written by Editor:

Arimaha Doorashada In Badan Ayaan hore uga hadlay waana la helayaa iyagoo Maqal iyo muuqaalba leh. Markii ugu horeysay doorashada oo ay ahayd in ay qabsoonto markii labaad 2010kii waxa mudnaanta laga siiyay doorashadii Madaxtooyada oo iyadu markaa laba sanadood muddo dhaaf ahayd. Doorashada Golayaasha oo iyaduna afar sanadood in ka badan muddo dhaaf ahayd wax muddo ah looma xadidin muddo dhaaf shaafkeeda oo Kulmiye ayaa ku dhegsanaa in doorashada Madaxtooyada laga soo hormariyo waana laga aqbalay oo waa la isku raacay in ta Madaxtooyada la soo hormariyo.

Markii uu Kulmiye doorashadii Madaxtooyada ku guulaystay Ayaa la qabtay doorashadii Ku-shubashada iyo Ka-shubashada ee Golayaasha Degaanka sanadkii 2012kii taas oo noqotay taariikhda doorashooyinka Somaliland tii ugu xumayd ee soo martay lagana yaabo in tu la mid ah ama ka xumi aanay dib uga dhici doonin.

Xassan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Gudoomiyaha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ayaa kow ka ahaa shakhsiyaadkii sida adag uga hadlay arimihii yaabka lahaa iyo wax isdabamarintii foosha xumayd. Maalintii natiijada lagu dhawaaqay ayaa Xarunta Komishanka horteeda la igu waydiiyay sida aan u arko natiijadii ka soo baxday doorashada. Markaa anigu waxan ka tirsanaa Xisbiga UCID oo ka mid noqday sadexdii xisbi ee ku soo baxay doorashada ee noqday xisbiyada qaran. Waxan ku jawaabay “ kuwa dhacayna cadaalad kumay dhicin kuwa soo baxayna cadaalad kumay soo bixin oo hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”. Xisbiga Ucid laftiisa teelo looma dhigan oo in saaxadda uu ka baxo ayuu qarshuhu ahaa laakiin wuxu noqday Xabaalmariwaa siba markii Ururkii UMMAD ee Dr Gaboose uu noqday ka ku soo xigay ee hadii UCID baxo isagu soo bixi lahaa taas oo raggii shirqoolka doorashada hogaaminayay aanay doonayn. Markaa laba belaayo ama laba daran kala dooro ayuu UCID ku badbaaday.

Wuxu Horta tan iyo maalintaa iyo ilaa maanta oo aynu joogno dagaalka ka dhan ka nidaamkii xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah ee ka tisqaaday Somaliland xiligii UDUB ee lagu burburinayay waxaynu ognahay in uu ahaa joogto maalinba heer uu joogay iyo tab iyo xeelad la adeegsanayay oo ay adeegsanayeen kuwa anigu aan u aqaan cadowga koowaad ee Somaliland waa doorasho-diidka mar kasta iyagu lahaa gacanta sare intii uu KULMIYE ahaa xisbiga ka taliya Somaliland eh. Maanta lafteeda iyagu maaha kuwo u arkaya in dantoodu ay ku jirto danta dadka iyo dalka Somaliland ee waxa u muuqda danaysiyo gaar ah oo mararka qaar ay wada leeyihiin marar kalena ay kala leeyihiin balse labada goorba ay heshiis ku yihiin. Markaa maxaa xal ah een ahayn xal la’aan?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS