Laba Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Bada Magaalada Berbera Iyo Tirada Kuwo Kale Oo Laga Soo Badbaadiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Bada Magaalada Berbera Iyo Tirada Kuwo Kale Oo Laga Soo Badbaadiyay.
August 18, 2020 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Alle Ha unaxariistee Laba dhalinyaro ah Ayaa Maanta Galinkii Danbe ku Geeriyooday Bada magaalada berbera kadib markii ay Liqday halka tobon ruux oo kale laga soo badbaadiyay.

Wararka laga helayo magaalada berbera iyo dhalinyrada ku Geeriyooday bada ayaa sheegay in maanta laginkii danbe ay Labo wiil oo dhalinyaro ku geeriyooday kadib markii ay liqday Xeebta lagu dabaasho ee batalaale , laba qof eek u geeriyooday ayaa waxaa kujiray dwiil dhalinyaro ah isagu oo soo badbaadiyey dad ay tiradoodu ilaa 10 ruux gaadhayso  oo badu ku kacay balse waxay tiisa noqotay isagii ku guulaystay in uu dadka intaa leeg soo badbaadiyo sida ay noo  xaqiijiyeen  sarkaalkii kamid ah ciidanka ilaalada xeebaha oo iyagu gurmad ka galay sidii dhalinyardadan qaar loo soo badbaadin lahaa  Ayaanle laba ruux ee  ku geeriyooday ayaa maydkooda  la geeyey cuspitaalka magaalada Berbera .

WIXII FAAH FAAHIN EE KASOO KORDHA KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

BERBERA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS