“Kulmiye Wuxu Somaliland U Dhalay Laba Xukuumadood Oo Aan Midna Wax Looga Aayay Oo Wayni Jirin, Ma filayo In Kulmiye Uu Xukuumad Sadexaad..”Cali Guray, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kulmiye Wuxu Somaliland U Dhalay Laba Xukuumadood Oo Aan Midna Wax Looga Aayay Oo Wayni Jirin, Ma filayo In Kulmiye Uu Xukuumad Sadexaad..”Cali Guray,
August 24, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi  Cali Maxamed Yuusuf(Cali-gurey), oo kamid ahaa  Xisbiga Kulmiye ayaa dhaliilay hogaaminta labadii xukuumadood ee ka dhashay xisbiga kulmiye oo uu sheegay in Aanu somaliland uga tagi wax sidaasi uwayn islamarkaana Aanan la aqbali doonin xukuumad sedexaad oo  ka dhalata isagoo tusaale usoo qaatay geela sida looga badalo awrka xun.

Siyaasi Cali Guray ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal Uu ku Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada Ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

 Awrka Dhasha Xun Geelaba Waa Loo Bedelaa Saw Maaha?

“Kulmiye wuxu Somaliland u dhalay laba Xukuumadood oo aan midna wax looga aayay oo wayni jirin. Ma filayo in Kulmiye uu xukuumad sadexaad u dhali doono Somaliland waayo awrkaba hadii ay dhashiisu xumaato waa loo bedelaa geela oo baarqab cusub ayaa lagu daraa hadii loo soo helo. Markaa xisbiyada kale fursadda may ka faaiidaysan oo si fiican may u soo qooqi mise waabay dhufaanan yihiin oo Kulmiye wuxu noqon dani ku baday? Somaliland Ilaahayow ka badbaadi.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS