“Kolay Aakhiro Intii Muuse Taageertay Waa La Waydiin, Maxaad Ku Raacday? Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kolay Aakhiro Intii Muuse Taageertay Waa La Waydiin, Maxaad Ku Raacday? Siyaasi Cali Guray.
August 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo kamid Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee taageertay in muuse biixi uu ku guulaysto doorashada Madaxwaynaha ayaa qoomayeeyay in Uu taageero isagoo sheegay in qofkasta oo taageeray Aakhiro la Waydiin doono.

Sidoo kale Siyaasi Cali Guray ayaa qiray in ay ka saxsanaayeen Siyaasiyiinta kasoo horjeeday in uu madaxwayne noqdo taasi oo Ay cadaystay ficiladiisu,

Dhanka kale Cali Guray ayaa sheegay gudoomiyaha xisbiga Wadani looga tagaynin Nacayb loo qabay balse muuse looga yaacayay Nacayb loo qabo.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Kolay Aakhiro Intii Muuse Taageertay Waa La Waydiin Maxaad Ku Raacday? Dayaxa waa markii iigu horeysay weligay een tegay. Nuxurka maqaalkan maalintaa wuxu ahaa CABDIRAXMAAN CIRRO LOOGAMA TEGIN NACAYB LOO QABO EE MUUSE WAXA LOOGA YAACAY WAA NACAYB LOO QABO.

Maanta kuwii ugu xigay ee maalintaa ka dhaqaaqay inay iga Saxsanaayeen oo anigu aan ka keliya ee qaldamay ahaa ayuun Buu Isagu ii sheegay. Waanan qaatay in aan isa saxona iyo Sida aan isu saxayaa aniga keligay ayay ii taalaa saw maaha Markaa.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS