Hay’ad Caalamiya Oo Sheegtay In Hubka Iiran Siiso Xuutiyiinta Yemen Loo Iibgeeyo Soomaaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’ad Caalamiya Oo Sheegtay In Hubka Iiran Siiso Xuutiyiinta Yemen Loo Iibgeeyo Soomaaliya.
August 20, 2020 - Written by Editor:

Yemen(W,N)-Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada Abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen caddaymo la rumeysan karo oo sheegaya in waddanka Iiraan ay hub siiso mucaaradka Sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha ah ayaa laga yaabaa inay hubkaasi ka ganacsadaan gaar ahaan una iib geeyaan dhinaca dalalka Geeska Afrika gaar ahaan waddanka Soomaaliya.

Weapons looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp are displayed during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. REUTERS/Feisal Omar

Baadhayaasha ilaalada hubku waxay la xidhiidheen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca ee dalka Yemen, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa.

Ilo wareedyo ayaa soo saaray liis ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca, bambo gacmeedyo iyo rasaas noocyo kala duwan leh, in loo iib geeyo Soomaaliya, balse lama sheegin cidda laga iibiyay.

“Tani waxay muujineysaa jiritaanka shabakado tahriibiya hubka sharci darrada ah ee ka yimaadda Iran ee loogu talagalay Xuutiyiinta waddanka Yemen balse ku sii jeeda gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Soomaaliya waxey ku hoos jirtaa cunaqabateyn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 1992, hase ahaatee tan iyo waqtigaas, si qarsoodi ah ayaa hubka loosoo galin jiray Soomaaliya iyada oo aanu marnaba hoos u dhicin suuqyada madaw ee Hubka Soomaaliya iyada oo warbixintan lagu sheegay meel kasta oo Soomaaliya ah in hubkaasi gaadho oo suuqyo madaw lagu kala iibsado.

COMMENTS
LINKS