Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Soo Saartay Digniin Ku Waajahan Qaarada Africa Oo La Xidhiidha Covid19. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Soo Saartay Digniin Ku Waajahan Qaarada Africa Oo La Xidhiidha Covid19.
August 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Haayada Caafimaadka Adduunka Ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa Waddamada Afrika uga digay in ay fududeeyaan ama qaadaan xayiraadaha Cudurka Coronavirus, maadaama tirada Dadka uu ku dhacay Qaaradda ay laba-laabantay Bishii la soo dhaafay.

Agaasimaha Gobolka ee hay’adda WHO ee Afrika , Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in kabadan 20 Dal oo Afrikaan ah in ay ka diiwaan galiyeen kiisas cusub , iyada oo South Africa ay tahay halka ugu badan ee uu korodhka ka jiro, waxaana xaalado horleh laga soo sheegayaa Waddamada Kenya, Madagascar, Nigeria, Zambia iyo Zimbabwe.

WHO ayaa sheegtay in Qaaradda Afrika uu ku dhowaad 890,000 Qof haleelay cudurka Coronavirus, halka 18,000 ay u dhinteen.

In ka badan 17.4 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus.

In ka badan 10.2 milyan oo bukaan ah ayaa soo kabsaday, ugu yaraan 677,000 ayaa ku dhintey, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS