|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Soo Saartay Digniin Ku Waajahan Qaarada Africa Oo La Xidhiidha Covid19.
August 1, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Haayada Caafimaadka Adduunka Ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa Waddamada Afrika uga digay in ay fududeeyaan ama qaadaan xayiraadaha Cudurka Coronavirus, maadaama tirada Dadka uu ku dhacay Qaaradda ay laba-laabantay Bishii la soo dhaafay. Agaasimaha Gobolka ee hay’adda WHO ee Afrika , Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in kabadan 20 Dal oo Afrikaan ah in ay ka diiwaan galiyeen kiisas cusub , iyada oo South Africa ay tahay halka ugu badan ee uu korodhka ka jiro, waxaana xaalado horleh laga soo sheegayaa Waddamada Kenya, Madagascar, Nigeria, Zambia iyo Zimbabwe. WHO ayaa sheegtay in Qaaradda Afrika uu ku dhowaad 890,000 Qof haleelay cudurka Coronavirus, halka 18,000 ay u dhinteen. In ka badan 17.4 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus. In ka badan 10.2 milyan oo bukaan ah ayaa soo kabsaday, ugu yaraan 677,000 ayaa ku dhintey, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Hortagay Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Iyo Arimaha Ay Kala Hadle... Daawo:Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Marxuum Ina Sareeye Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay Iyo Taliyaha Booliska... Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Hore N... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|