|
|||||
WAJAALE NEWS
“Fulaynimo Ka Weyni Ma Jirto, Inaad Hor Fadhiisan Kari Weydo Oo Aad La Doodi Karin, Qof Kaa Fikir Duwan! Siyaasi Kaysar.
August 22, 2020 - Written by Editor:“Waxaa Nasiib Darro ah In Kuwa Xilalka Qaranka Hayaa Ay ka Baaqsadeen Inay U Tagaan Reer Awdal, Oo Ay Lasoo Doodaan Soona Dhagaystaan Tabashadooda, Laakiin Ay Aflagaadooyin Iyo Cid Baa ka Danbaysa ay Yidhaahdaan Iyaga Oo Hotel da Hargeysa fadhiya”Siyaasi Kaysar Maxamed. BOORAMA(W,N)Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee wasaarada Ganacsiga Somaliland ee xukuumadii Axmed Siilaanyo Kaysar Maxamed Oo maalmihii udanbeeyay ku sugnaa Magaalo madaxda gobola awdal ee boorama ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dhalinyarada Iyo culimo awdiinta reer boorama isagoo dhagaystay tabashadooda iyo fikirka ay ka qabaan arinta saami qaybsiga. Siyaasi kayse oo qoraal uu kulamadaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebkooga kaasi oo siwayn ugu dhaliilay siyaasiyiinta xilalka haya ee kasoo jeeda gobolka awdal ee katirsan xukuumada madaxwayne biixi Wuxuna Udhignaa Sidan; Danta Qaranka Somaliland Ayay Ku Jirtaa In la is Dhagaysto, la Doodo oo la Wada fadhiisto si Xal loogu helo mushkilad kasta. Ummad kasta Oo doonaysa inay Horumar gaadho oo ay Nabad ku wada noolaato waxaa lagama maarmaan u ah inay noqdaan Ummad kalsooni u yeelata inay ka doodaan kana wada hadlaan Wax kasta oo Tabasho ah ama dhibaato ah ee dhex timaada Iyaga oo si sarraaxad leh oo maskax furnaan iyo Wadaniyadi ay Ku jirto uga wada hadla oo is dhegaysta si Xal loo helo. Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan Gobolka Awdal kula kulmo Dhalinyaradii Aqoonyahanka ahayd iyo qaar ka mid ah Culimada Iyo Bulshada Gobolka oo beryahanba ay dhawaaqyo badani ka soo yeedhayeen sida Arrimaha Doorashooyinka iyo Saami-qaybsiga Iyo tabashooyin kale. Kulamadaas waxaa iiga soo baxay in Dadka reer Awdal ay yihiin Dad ay ku weyn tahay oo ilaashana Qarankooda Somaliland oo Doonaya Somaliland Horumar gaadha oo dadkeedu ay Cadaalad buuxda wada helaan si simana ay muwaadiniinta reer Somaliland u wada gaadho Khayraadka iyo Awoodda Dalku. Waxa Bulshada reer Awdal ay doonayaan diyaarna u yihiin in la Dhagaysto, lala doodo oo la challenge gareeyo cid kasta oo Xal Haysana ay diyaar u yihiin inay la fadhiistaan soona dhaweeyaan. Waxaase Nasiib Darro ah In Kuwa Xilalka Qaranka hayaa ay ka Baaqsadeen Inay u Tagaan Reer Awdal oo ay la soo doodaan Soona Dhagaystaan Tabashadooda, laakiin ay aflagaadooyin iyo Cid baa ka danbaysa ay yidhaahdaan iyaga oo Hotel da Hargeysa fadhiya, Waxaan usoo jeedinayaa Masuuliyiinta Xilalka Qaranka haysa Inay Shaqadooda qabsadaan oo ay dhegaystaan, u tagaan,la fadhiistaan oo ay kala doodaan Tabashooyinka ay Ummadu Qabto,sidaas ayuu Qaranku ku dhismi karaa. Ceeb maaha inaad la fadhiisato oo aad dhegaysto lana doodo qofkii kaa fikir duwan. Somaliland ha Guulaysato QALINKII; EX WASIIR KAYSAR COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|