Dawladda Shiinaha Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay Xafiiska Ay Taiwan Ka Furatay Somaliland, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Shiinaha Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay Xafiiska Ay Taiwan Ka Furatay Somaliland,
August 19, 2020 - Written by Editor:

China(W,N)-Jamhuuriyadda Dadka Ee Shiinaha ayaa ka hadashay Safaaradda Dalka Taiwan uu Toddobaadkan ka furtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijian oo daba socda Safaaradda Taiwan ka furatay Somaliland ayaa sheegay in Dunida uu ka jiro Hal Shiine, Taiwana tahay Qayb ka mid ah oo aan laga maarmi Karin.

Afhayeenka oo ka hadlayey Shir-saxafadeed ay si Maalin leh ah u qabato Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinuhu ayaa yidhi “Dunida waxa ka jira Shiinaha oo kaliya, Gobolka Taiwana waa qeyb aan laga maarmi Karin.”

Afhayeenku waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Midnimada Shiinuhu Muqadas tahay, mabda’ ahaan Caalamku aqoonsan yahay Hal Shiine “Hal Shiine ah waa mid caalami ahaan la aqoonsan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu hadalkiisa raaciyey in isku day kasta oo Xisbiga Ka taliyaha Taiwan ee DPP uu ku doonayo inuu ku kala qaybiyo Shiinuhu uu fashilmayo.

 

COMMENTS
LINKS