Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Soo Gabo-gabeeyey Kulanka Wada Tashiga Miisaaniyada 2021 Ee Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Soo Gabo-gabeeyey Kulanka Wada Tashiga Miisaaniyada 2021 Ee Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada.
August 7, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maamulka dawlada Hoose ee degmada Gabiley Ayaa soo gabo gabeeyay kulanka wada tashiga ee qorshaha Mashaariicda ee miisaaniyada 2021 oo ay ka qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan kaasi oo lagu gorfaynayay sidii looga wada arinsan lahaa mashaariicda ay muhiimta tahay in lagu daro miisaaniyada 2021 kaasi oo lagu jiray ururinta rayiga bulshada.

waxaana kulamadaasi hadalo ka jeediyay qaarkamid dhalinyarada,waxgaradka iyo haydh tuulayaasha deegaanada kala duwan ee degmada.

dhanka kale maayarka magaalada gabiley ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada ay kulamada uqabteen iyo qorshayaasha maamulka dawlada hoose ee degmada gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS