|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dagaalkii Xabsiga Xamar Waxaa Ka Dambeysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA” Siyaasi Cabdiraxmaan.
August 11, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xalay Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar ku dhex-maray Maxaabiis ku jiray iyo Ciidanka ilaalada ka haayay Xarunataas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Xabsiga dhexe ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in lagu sii daayo rag xabsiga ugu xidhnaa Al-shabaanimo. Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in aan loo baahneyn in Mas’uuliyiinta xabsiga dhexe dusha loo saaro falkii shalay ka dhacay halkaas, isagoo Carabka ku dhuftay in maxaabiista loo geliyay hub si ay ugu dagaalaman. “Arrinta Xabsiga Dhexe ka dhacday waa qorshe hay’addaha Nabadsugidda Soomaaliya ay ku sii deyneysay xubno Al-shabaab ah oo xabsiga ku xidhnaa” ayuu yidhi CC Shakuur. Dhinaca kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay qaraxii maalmo ka hor lagu weeraray Xerada ay degan yihiin guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo sheegay in Khasaaraha ka dhashay qaraxaas la qariyay ayna qarinta arrintaas ka dambeysay Hay’adda nabadsugida, waa sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu yidhi ”Ra’iisul-wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi-doono hadduu rabo kalsoonida dadka iyo in la aamino waa inuu taliska Nabad-sugidda hoggaankeeda ee iyaga shabaabka lakala garan la’yahay”. Related posts:Daawo:Axmed Muumin Seed Oo Eedihii Ugu Cuslaa Dusha Uga Tuuray Xog Hayaha Warfafinta Xisbiga Wadani ... DAAWO;-Muuqaalada Guud Ee Kulanka Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Maraykanka Iyo Waftiga Madaxway... MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO SAAKA SOCDAAL KUTAGAY GOBOLKA GABILEY IYO SOODHAWAYN DIIRAN OOLAGU QAABIL... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|