DAAWO;-Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Somaliland Oo Magaalada Arabsiyo Hadhimo Sharafeed Ugu Sameeyay Safiiirada Jsl Ufadhiya Jabuuti Iyo China. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Somaliland Oo Magaalada Arabsiyo Hadhimo Sharafeed Ugu Sameeyay Safiiirada Jsl Ufadhiya Jabuuti Iyo China.
August 19, 2020 - Written by Editor:

ARABSIYO(W,N)- Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha Ee Xukuumada Axmed Siilaanyo Siyaasi Shucayb  Maxamed Muuse Ayaa Maanta Magaalada Arabsiyo Casuumad Qado Sharaf ah Ugu Sameeyay Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Jabuuti Ambsador cabdiftaax oo ay weheliyaan saraakiil iyo aqoonyahan kale reer Jabuuti ah Iyo Safiirka Somaliland Ufadhiya dalka Shiinaha Ambasador Cawil.

Sidoo kale Qado Sharaftan  Ex wasiir siyaasi shucayb ku Mamuusay Safiirada Ayaa Kasoo Qaybgalay Agaasimaha Guud Ee wasaarada Macdanta iyo tamarta, Xoghayihii hore ee Dawlada hoose ee gabiley iyo Masuuliyiin iskugu jirtay dhalinyaro iyo ganacsatada gobolka Ah.

Ugu horay waxaa kalmado soo dhawayn ah ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Xamse Oo Gacmo furan kusoo dhaweeyay safiirada iyo masuuliyiikale ee weheliyay isagoo ex wasiir shucayb ku amaanay sida qiimaha leh ee busaanada arabsiyo ugu xushay in uu ku casuumo Safiirada iyo masuuliyiinta qaranka xilal muhiimka ah u haya,

Sidoo kale waxaa isna madasha casuumada ah ka hadlay xoghayihii hore ee dawlada hoose ee gabiley cabdiraxmaan nuur abokor oo masuuliyiintan kusoo dhaweeyay casuumada iyo busaanada bilcan ee magaalada arabsiyo.

Dhanka kale waxaa isna madasha ka hadlay oday Cabdi Muuse Cade oo kamid odoyaasha dalka jabuuti islamarkaana ku hadlayay afka waftiga Reer jabuuti Ayaa ka mahad celiyay hadhimo sharafeeda  uu ku maamuusay Ex Wasiir Shucayb, isagoo sheegay in siyaasi shucayb yahay masuul hormuud ka ah gobolka gabiley casuumadana aanay ahayd markii koowaad ee uu arabsiyo ku casuumo balse afar sano iyo dheeraad isagoo maayarka gabiley ah uu casuumad uu isla beertan ugu sameeyay uuna yahay masuul dadka iyo dalkaba isku xidha.

Ugu Danbayn Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha jsl Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Wakhti xaadirkan ah siyaasi gobolka Gabiley Iyo guud ahaan Somalilandba  kamid ah shakhsiyaadka  ugu firfircoon ayaa safiirada iyo masuuliyiin kale ee kasoo qaybgalay casuumada uu ufidiyay uga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeen isagoo si farashaxannimo leh uga waramay isku soo dhawaanshaha shacabka reer somaliland iyo ka jabuuti ee dhinacyada dhaqanka iyo isku xidhnaanshaha soo jireenka ah ee ay wadaagaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/FCqIygy0TQM

COMMENTS
LINKS