|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Murashax Cabdilaahi Aar Oo Ka Hadlay Wakhtiga Loo Cayimay Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Fariinta Uu Udiray Shacabka Jsl.
August 25, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Murashax Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug (Cabdilaahi Aar) oo kamid ah Murashixiinta Utartamaya Golaha Deegaana Ee Caasimada Hargaysa ayaa ka Hadlay wakhtiga komishanka doorashooyinka Ucayimeen in ay Doorashada ku qabanayaan, Murashax Cabdilaahi Aar ayaa ugu horay soo dhaweeyay Wakhtiga rasmiga ee loo mudeeyay in ay qabsoomayaan Doorashooyinka golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka isagoo sheegay in qabsoomida doorashooyinku ay muhiim utahay Dalka Bogaadiyayna Hanaanka Wada shaqayneed ee wakhti xaadirkan ka dhaxaysa Xisbiyada Qaranka ,Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka. Sidoo kale Murashax cabdilaahi Aar ayaa shacabka Reer Somaliland ugu baaqay in ay udiyaar garoobaan sidii ay isku diwaan galin lahaayeen taasi oo guud ahaan muhiim u ah shacabka Dhanka kale Murashax cadbilaahi Maxamed gaaxnuug (Cabdilaahi Aar) ayaa ka digay markale dib udhac ku yimaada wakhtiga doorashooyinka laga wana wada shaqeeyo sidii looga diyaar garoobi lahaa waxkasta oo dib udhac ku keenaya doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada oo mudo dheer ay usagayeen shacabka iyo xildhibaana utartarmaya kuraasida baarlamaanka iyo deeganka oo mudo dheer sugayay in mar uun ay dalka ka dhacdo doorasho. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Laascanood Iyo Baaq Uu Udiray Shacabka Gobolka Sool I... Daawo:Waraysi Xaasaasi ah Oo Magaalada London Lagula Yeeshay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aa... Maxaa ka jira In Dowladda Ingiriisku Saluug ka Muujisay Go’aankii Maxkamadda Sare kaga Gar-naqday kh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|