DAAWO;-Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Dhigooda Beesha Habar Awal Oo Socdaal Ku Jooga Ceerigaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Dhigooda Beesha Habar Awal Oo Socdaal Ku Jooga Ceerigaabo.
August 23, 2020 - Written by Editor:

CEERIGAABO(W,N)-Madaxdhaqameedka Gobolka Sanaag iyo Maamulka dawlada Hoose Ee Degmada Ceerigaabo Ayaa Maanta qado sharaf ku Maamuusay Wafti Madax-dhaqameed Beesha habar Awal oo Smaalmihii udanbeeyay ku suganaa magaalada ceerigaabo.

Munaasibada Hadhimo sharafeedka Ah ee lagu maamuusay Waftiga madax dhaqameedka Habar awal ayaa loogu sameeyay Buurta daalo iyagoo soo indho indheeyayna dhismaha dawga Tabca.

Ugu horay waxaa hadalo ka jeediyay casuumadan qado sharafta madaxdhaqameedka reer sanaag xidhibaano iyo maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil xaaji nuur,

Sidoo kale waxaa casuumadan ka mahad celiyay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo isagu hogaaminayay waftiga madaxdhaqameedka Beesha Habar awal.

Dhanka kale Suldaan Ismaaciil Suldaan cabdiraxmaan ayaa xukuumada somaliland iyo ganacstada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dhismaha wadada dawga tabca oo shacabka reer ceerigaabo dhismaheega ku kaliyaysteen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS