DAAWO;-Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Covid19 Oo Kormeer Ku Tagay Dugsiga Nuuraadiin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Covid19 Oo Kormeer Ku Tagay Dugsiga Nuuraadiin.
August 29, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddida heer Qaran ee COVID-19 ayaa kormeer u kuur-gelid iyo xogogaal u noqosho ah ku tagay Dugsiyada Waxbarashada ee Dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Ujeedada kormeerka Guddida COVID-19 wuxuu daarnaa sida ay goobaha Waxbarashadu u dabaqeen hab-raacyada Xanuunka Coronavirus ee loogo tala galay dib u Furitaanka Goobaha Waxbarashada.

Sidoo kale Gudida Heer qaran ee Covid19 oo uu horkacayo xogahaya guud ee gudida coronavirus Iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa  kormeer ku tagay dugsiyada nuuradiin qaybiisa habalaha iyo ragaba  kuwaasi oo ujeedadiisu ahayd  sidii  ay xogogaal ugu noqdaan lahaayeen dusgiyada waxbarashada iyo sida ay ufuliyeen awaamiirtii ka hortaga covid19 ee gudida soo saaray.

Waxaana gudida mid mid usoo kormeereen qaybaha kala duwan ee dugsiga iyagoo midmid loo tusay qalabta ay dusgigu udiyaariyeen sidii looga hortagi lahaa xanuunka dunida saameeyay.

Dhanka Kale maamulaha dugsiyada Nuuraadiin Ismaaciil Cakuush  ayaa gudida covid19 uga mahadceliyay kormeerkan ay ugu yimaadaan iyagoo tusay qaabka kor loogu qaaday nadafada iskuulka iyo agabka ay ardayda usameeyeen

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS