|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-Damiska Oo Faah-Faahin ka Bixiyay Dab Habeenimadii Xalay Ka Kacay Suuqa Waaheen
August 6, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W.N) – War ka soo baxay ciidanka dab-damiska qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidanka dab-damiska qaranka ee caasimad Hargeysa ay ku guulaysteen daminta dabkaas ka kacay meherado ku yaala suuqa Waaheen ee caasimada Hargeysa, waxaanay intaas warbixintu ku dartay in aanay jirin wax khasaare dhimasho ah oo dabkaasi gaystay. Taliyaha ciidanka dab-demiska qaranka Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed (Sawaaxili), oo ah hawl-galkaas hogaaminaayay ayaa sheegay inay dhibaato ka qabsatay sidii ay u wada gaadhi lahaayeen meheradihii uu dab-kaasi ka kacay, maadaama oo suuqaasi aanu lahayd meel ay u maraan gaadiidkii ay ku hawl-galaayeen ciidanka dab-damiska qaranku, waxaanuu masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa u soo jeediyay inay ka hawl-galaan sidii suuqaas loogu samayn lahaa wadooyin loo maro, si loogu gurman kale hadii suuqaas dab ka kaco. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta Ee Sooyaal Oo Guddida Bixinaysay Darajooyinka U Soo Jeediyey Dha... Wasiirkii Hore Wasaarada Waxbarashada Cabdilaahi Dheere Oo Ka Hadlay Gaadhi Wasaaradu Leedahay Oo La... Wasiirka Diinta Oo Shaaca ka Qaaday In Madaxda Hay’adaha Amaanku U hakiyeen Arrimo Amni qeybinta Muc... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|