|
|||||
WAJAALE NEWS
Askari Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Uu Askari Kale Ku Dilay Degmada Lughaya Ee Gobolka Awdal.
August 14, 2020 - Written by Editor:LUGHAYA(W,N)-Alle ha U Naxariistee Waxa Tuulada Tuurka Ee Ka tirsan Degmada Lughaya lagu dilay Askari ka tirsanaa Saldhiga Geerisa ee ciidanka milatariga gobolka Awdal marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Saleebaan Cabdilaahi Jaamac Ducaale, sida uu shabakada u xaqiijiyay wariyaha madaxa banaan Mustafe Garbo ee ka hawlagala degmada Garbodadar. Dilkan ayaa dhacay Aroornimadii hore ee shalay waqti uu hurdayay, kaasi oo uu falkan dilka ah uu Ugaystay Askari kale oo Ay ka wada tirsanaa ciidamada Milatariga gobolka Awdal. Ciidamada milatariga degmada Lughaya ayaa gacanta kusoo dhigay Askarigii dilka gaystay oo baxsaday, waxaana laga soo qabtay deegaano u dhexeeya Beeyo-cadaado iyo Gargaara, isagoo lagu soo xiray saldhiga Booliiska Gargadadar halkaasoo uu xalay ku baryay waxaana isla maanta loo qaaday magalada Hargaysa. Marxuumka la dilay ayaa maanta Lagu aasay tuulada Tuurka ee ka tirsan degmadaasi Lughaya, mana cada sababta keentay dilkan ay isku gaysteen labada askari, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan saraakiisha ciidanka milatariga Awdal oo Wali ka hadlay falkan dilka ah. XIGASHO; BORAMANEWS. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|