|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogo Dheerada Oo Laga Helay Waftigii Dawlada Itoobiya Usoo Dirtay Somaliland Iyo Nuxurka Fariin Ay Ka Sideen Raysal-Wasaare Abiy Axmed!
July 23, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W.N)-Dawladda Itoobiya ayaa Hargeysa u soo dirtay wefti culus oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Weftiga oo ka koobnaa saddex xubnood, ayaa waxay wateen diyaarad gaar ah, waxaana madaarka Hargeysa ku qaabilay wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan, laakiin ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in weftigu markii ay dalka yimaadeen ay kulan toos ah la yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegay inay Madaxweyne Biixi gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Weftiga ayaa isla shalay saacado ka dib imaanshahooda Hargeysa waxay dib ugu laabteen Addis Ababa iyadoo diyaaradii siday ay ku sugaysay madaarka Hargeysa. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in ujeedada socdaalka weftiga Itoobiya yahay mid xambaarsan arrimo miisaan ku leh Addis Ababa oo ah dareenka ay Itoobiya ka qaadatay wefti dawladda Masar ka socda oo dhawaan socdaal ku yimid Hargeysa. Warbaahinta Itoobiya ee madaxabanaan ayaa warbixino dhawr ah ka diyaarisay socdaalkii weftiga Masar ee Hargeysa. Masar iyo Itoobiya ayaa si adag isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisanayso oo ay dawladda Masar u aragto khatar soo waajahaysa nolosheeda iyo ammaankeeda.
Related posts:Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Xaalada Nabadgalyo Ee Magaalada Boorama. Madaxweynaha Jsl Oo kulan Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah La Yeeshay Wasiiru-dawlaha Horumarinta Iyo... Wasaarada Caafimaadka Jsl Oo Shaacisay 15qof Oo Laga Helay Xanuunka Covid19 Iyo Goobaha Ay Ku Kala S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|