Xogo Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Kulankii Madaxwaynaha Jsl Iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal + Qodobada Laysku Mari Waayay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Kulankii Madaxwaynaha Jsl Iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal + Qodobada Laysku Mari Waayay!
July 19, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar oo saaka la qaatay Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Salel.

Kulan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Ayaa waxa madaxweynaha ku weheliyay guddoomiyeyaasha xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda kana soo jeeda gobolka Awdal.

Kulanka muddo saacado ah socday ayuu Madaxweynaha Somaliland hor-dhigay salaadiinta codsi la xidhiidha sidii ay doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanku dalka uga dhici lahaayeen iyada lagu galayo saami-qaybsigii hore.

Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ku kala qayb-samay codsiga Madaxweynaha waxaana ku gacan-saydhay qaar ka mid salaadiinta halka kuwo kale soo dhaweeyeen.

Wararka dheeraadka ah ee laga helayo yaa intaa ku daray in 4 suldaan ku gacan-saydheen codsiga Madaxweynaha halka ay laba Suldaana aqbaleen,

Kulan madaxweynaha iyo madax-dhaqameedka ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan qaar ka mid wasiiradda xukuumadda ayaa kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay Madax-dhaqameedkan iyaga oo isku dayay inay ku qanciyaan in ka tanaasulaan arrinta saami-qaybsiga balse kulankaasina waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS