|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Kulankii Madaxwaynaha Jsl Iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal + Qodobada Laysku Mari Waayay!
July 19, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar oo saaka la qaatay Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Salel. Kulan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Ayaa waxa madaxweynaha ku weheliyay guddoomiyeyaasha xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda kana soo jeeda gobolka Awdal. Kulanka muddo saacado ah socday ayuu Madaxweynaha Somaliland hor-dhigay salaadiinta codsi la xidhiidha sidii ay doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanku dalka uga dhici lahaayeen iyada lagu galayo saami-qaybsigii hore. Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ku kala qayb-samay codsiga Madaxweynaha waxaana ku gacan-saydhay qaar ka mid salaadiinta halka kuwo kale soo dhaweeyeen. Wararka dheeraadka ah ee laga helayo yaa intaa ku daray in 4 suldaan ku gacan-saydheen codsiga Madaxweynaha halka ay laba Suldaana aqbaleen, Kulan madaxweynaha iyo madax-dhaqameedka ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan qaar ka mid wasiiradda xukuumadda ayaa kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay Madax-dhaqameedkan iyaga oo isku dayay inay ku qanciyaan in ka tanaasulaan arrinta saami-qaybsiga balse kulankaasina waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Related posts:DAAWO;-Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanada Gobolka Gabiley Ee Uu Ka Socdo Mas... Farshaxanka Caanka ah Amiin Camir Ayaa Sawir Gacmeed Ka sameeyay Madaxweyne Silaanyo oo uu Wasiir... Wasiirka Biyaha Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Kormeer Ku Tagay Dhaam Biyood Laga Hirgalinayo Deeg... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|