Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar Oo La Saadaalinayo Inuu Horseedo Inay Somaliland Xubin Ka Noqoto Hay’a’dda Caalamiga Ah Caafimaadka Adduunka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar Oo La Saadaalinayo Inuu Horseedo Inay Somaliland Xubin Ka Noqoto Hay’a’dda Caalamiga Ah Caafimaadka Adduunka.
July 20, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xidhiidhka Cusub Ee u Bilawday Somaliland Iyo Masar  ayaa l a sheegay   inuu horseedayo inay   dawladda Somaliland xubin ka noqoto hay’adda Caalamiga ah ee  Caafimaadka Adduunka u qaabilsan ee la y idhaahdo WHO.

SIda Uu sheegay Wasiir ku  xigeenka Arrimaha Debada ee Somaliland Liibaan YUusuf Cismaan, dawladda Masar waxa ay qayb ka noqonaysaa ololaha ay Aqoonsiga ku doonayso Somaliland.  “Masar waxay door muuqda  ka  qaadan kartaa  aqoonsiga Somaliland, maadaama oo ay xubin miisaan leh ka tahay Afrika iyo  dunida Carabtaba taasi oo  dabada ka riixi karta in dalalka Midawga Afrika iyo  Jaamacadda Carabtuba aqoonsadaan Somaliland” ayuu yidhi Liibaan.

Hase yeeshee dadka gorfeeya arrimaha siyaasadda gobolka, gaar ahaana dhinaca qaanuunka ayaa sheegay in qorshaha uu Wasiir Liibaan sheegay ay sidoo  kale ku jirto in Somaliland ay dib u soo cusboonaysiiso xubinimadeeda ururkaa Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo xarunteeda gaar ahaana xafiis goboleedkii ay Somaliland qaybta ka ahaan jirtay ee bariga badda  dhexe ay xarun u t ahay Masar.

sida  ku cad heshiiska sharciga ah WHO, ee la gaadhay sannadkii 1980-kii, isla markaana ay  ansixisay Maxkamadda Adduunku, Somaliland waxay xubin ka ahayd ururkaasi, waxaana markale dib u soo celiyay oo guddidii shuruucda ee xilligaasi  weydiiyay Gudoomiyihii  WhO,, sida ku cad qoraalkani eeg qoraalkani. https://www.icj-cij.org/files/case-related/65/9555.pdf

Taasi  oo ay maxkamadda sare ee Masar-na xilligaasi ansixisay, balse maadaama oo  aan xidhiidhka Somaliland iyo Masar wanaagsanayn sannadihii hore, waxa la sheegay in caqabadda  koowaad  ee xubinimada SOmaliland hortaagnayd ay ahayd  dawladda Masar, waqtigani uu xidhiidhka Somaliland iyo Masar hagaagayana waxa la saadaalinayaa in Somaliland xubinimadeedii si rasmi ah u soo ceshan doonto, dawladda Masarna ay gacan ka geysan doonto.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS