War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb Ee Dawlada Fadaraalka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb Ee Dawlada Fadaraalka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya.
July 22, 2020 - Written by Editor:

Dhuusamareeb(W.N):- Wejiga labaad ee Shirka wada-tashiga Dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaraha iyo Madaxda kale, ayaa caawa lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed 8 qodob ka kooban.

Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyada Somalia Dhuusamareeb 2020.jpg

Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyada Somalia Dhuusamareeb 2020.jpg

War-murtiyeedka, ayaa lagu sheegay inay Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Federaalka Soomaaliya isku raaceen oo ay isla meel-dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

Sidoo kale, Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo Guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xadhiidha hannaanka iyo habsami-u-socodka doorashooyinka dalka ka qabsoomi karta iyo qaabka loo qabanayo.

Waxa kale oo ay isla garteen in shirka labaad la isugu yimaaddo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah; si loo dhammeystiro geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, sida lagu sheegay War-murtiyeedka. Hase-yeeshee, laguma sheegin Warka in laga heshiiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa oo ah qodobka khilaafka ugu weyni ka taagan yahay wakhtigan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug oo isagu gogosha shirka dhigay Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagaren), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

HALKAN KA AKHRI WAR MURTIYEEDKAN OO KA KOOBAN SIDEED QODOB;

COMMENTS
LINKS