“Wadamada Reer Galbeedku Way Ogyihiin In Wadahadalka Somaliland Iyo Somalia, Aan Wax Natiijo Ah Laga Gaadhayn”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wadamada Reer Galbeedku Way Ogyihiin In Wadahadalka Somaliland Iyo Somalia, Aan Wax Natiijo Ah Laga Gaadhayn”Cali Guray.
July 16, 2020 - Written by Editor:

“Wadamada Reer Galbeedku way ogyihiin in wadahadalka Somaliland iyo Somalia aan wax natiijo ah laga gaadhayn. Haddii ay doonayaan in xal kama dambays ah laga gaadho khilaafka asalka ah ee labada dhinac way garanayaan balse diyaar baanay u ahayn. Waxa la isku hayaa waa xaqqa aayo ka tashiga Somaliland oo ay og yihiin in ugu dambaysta dadka Somaliland ay xaq u leeyihiin in iyagu mustaqbalkooda ay ka tashadaan.

Markaa iyaga ayaa inta badan midida daabkeeda haya eh ha ku dhexdhexaadiyaan labada dhinac in afti dadwayne laga qaado Somaliland. Aftida oo ay goobjoog ka yihiin QM iyo Bulshada caalamku natiijada la isla ogolanayo oo dhinaca walba raali ku noqonayo doolad keliya iyo laba dawladood kii hadaba ay dadku doortaan. Sidaa si aan ahayn oo xal kama dambays ah lagu gaadhi karaana ma jiro iyaguna intaa way garanayaan.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

COMMENTS
LINKS