“Sir Maqabe Allaa U Sahan Ah; Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan” Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sir Maqabe Allaa U Sahan Ah; Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan” Siyaasi Cali Guray.
July 9, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka faalooda xaaladaha siyaasadeed ee geeska iyo kuwa ka taagan gudaha Somaliland ayaa ka hadlay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland Iyo Dalka Taiwan oo labaduba ah aan beesha caalamka ka haysan ictiraaf islamarkaana ku kala yaala qaaradaha Africa iyo Aasiya.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa falanqayn ku sameeyay saamaynta Somaliland kaga iman karta xidhiidhka dalka Taiwan oo uu siwayn uga cadhooday dalka shiinaha oo kamid ah quwadaha dunida ugu waawayn kaasi oo markii uu soo baxay warka xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan bilaabay dagaalo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeedo

Dhanka kale siyaasi cali guray ku baaqay in Somaliland qiimayso waxtarka iyo waxyeelada ay kala kulmi karto xidhiidhka dalka tiawan

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Xidhiidhka Cusub Ee U Bilawday Somaliland Iyo Dalka Taiwan Wuxu ka Nixiyay dalwaynaha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha Iyo kolay Somalia oo iyadu mar kasta ka soo horjeedda, nooca Uu doonaba ha noqdo Eh Heshiis Dhexmara Somaliland iyo dal Ama dalal kale, dhegahoodu inay maqlaanna aan jeclayn ee aad U neceb.

Dawladda Shiinuhu markii warku soo baxayba waxay ku dhacday laamaha oo Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa ka hadashay dhinaca kalena Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa markiiba la kulmay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Somaliya oo kala hadlay arintan isagoo markii ugu horeysay si cad u sheegay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada Somalia. Hadaba Heshiiskan marka hore maaha mid la odhan karo “ laba qaawani isma qaado”, waayo Taiwan yaanay dhul Ahaan waynaan ee hadana waxay ka mid tahay dalalka ugu horumarsan qaaradda Asiya dhan kastaba.

Dalwaynaha Shiinaha oo ka mid ah Shanta xubnood ee joogtada ku ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee iyagu iska leh codka Diidmada Qayaxan (vito) muddo dheer ayuu ka ololaynayay in Taiwan aanay dalalka dunida midna aqoonsi rasmi ah ka helin. Xataa kuwo beryo aqoonsanaan jiray wuxu ku bixisay aduun badan in ay kala noqdaan aqoonsiga, dhamaantoona way kala noqdeen.

Inta aynaan ka hadlin dantaTaiwan ay ka leedahay in xidhiidh diblomasiyadeed ay la yeelato Somaliland oo ah dal yar oo Afrikan ah oo aan dunida hal wadan ictiraaf ka haysan welina loo arko, dhinaca sharciyada caalamiga ah in ay ka mid tahay Somalia, dhinaca Somalland ma ka baaraan degtay oo ma ku qanacsan tahay waxtar iyo waxyeeloba waxa uu ku soo kordhin karo heshiiskan cusub ee ay la saxiixatay Taiwan? Waayo Dalwaynaha Shiinuhu faraha ka laaban maayo arintan ee si toosa iyo si dadbanba wuu uga dagaalami in uu meesha ka saaro heshiiskan. Taasi waxay faa,iido u noqon kartaa Somalia oo laga yaabo in si mug leh uu u taageero, maaha dhinaca dhaqaalaha oo keliya ee ilaa iyo xad uu u dhiso ciidamada si uu ugu yeelo cudud milatari oo uu ku cabudhin karo Somaliland. Markaa Shiinuhu si toos ah iyo si dadban labadaba waa suurogal in Somaliland uu ku samayo farogelin si uu cadaadis dheeraad ah u saaro. Warar lagu kalsoon yahay ayaa iyaguna sheegaya in Shiinuhu uu tuhunsan yahay in arinkan ay ka dambayso dawladda Maraykanka oo xiligan uu dalka Shiinaha ka dhexeeyo dagaal qabow oo tartan dhaqaale iyo mid jiyo-siyaasi ahba isugu jira.

Si kastaba ha ahaato eh Somaliland si fiican marka hore ma uga baaraan degtay danta ugu jirta xidhiidhkan cusub ee ay la yeelatay Taiwan oo laga yaabo weliba in khataro hor lihi ay kaga iman karaan cadaadisyada tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn ee dhinaca Dalwaynaha Shiinaha oo weliba Somalia inay gacan siiso laga yaabo si ay iyaduna u wiiqdo goobo-isu-taagga Somaliland. Hadii jawaabtu ay haa tahay oo waanu ku kalsoonahay in Taiwan ay hiil iyo hooba isla garab taagayso Somaliland oo sidaa hubto markaa waa sax ee badduna buurta ha jiidho haday doonto. Waxa xun wax aan si qoto dheer looga baaraan degin oo si fudud iyo sidagan inta loo galo hore loola jiboodo, berrina kugu biyo keena oo waxtar daaye halis ku gelin kara iyo bad aanad ka dabaalan karin.

Markaa bal aan sugno waxtar iyo waxyeelo ka ugu dambaysta Somaliland ay ka dhaxasho xidhiidhkan cusub ee iyada iyo Taiwan.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali gurey”

Hargeysa, Somaliland

 

COMMENTS
LINKS