|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheekh Dirir Oo Dumarka Islaamka Uga Digay Khataro Badan Oo Ku Xeeran Guddo Iyo Dibedba.
July 10, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ugu baaqay gabdhaha Muslimka ah inay iska ilaaliyaan dumarku fikrado shisheeye inta la soo qaato ilbaxnimo la moodo, sida mushkilada ka jirta dharka da’yartu xidhato foolxumadooda. Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Maxamed kaga hadlay khataraha ku xeeran gabdhaha Muslimka ah hadday tahay gudaheena iyo dibedaba ayaa ku bilaabay, “Waxaynu dumarka uga hadlaynaa arrimo badan daraadood, marka hore Nebigu CSW waxuu xusay in fitnada ugu daran ee raga uu uga tegay tahay dumarka, marka six un loola dhaqmo ama iyagu six un u dhaqmaan. Way ku fitnoobi karaan oo diintoodaa kaga xumaan karta ayuu yidhi Nebigu CSW. Marka ruuxa dumarka ah ay shareecada ka baydho, waxa laga yaabaa inay sawir sheydaan yeelato, siduu Nebigu xusay gabadhu waxay kugu qaabilaysaa sawir sheydaan, marka ay sii jeesatana sawir sheydaan ayey la sii jeedsanaysaa, ayuu yidhi Nebigu CSW, marka ay is udgoonayso, marka ay is jejebiso, ee is qaawiso, sheydaanku wuu ku soo gabanayaa, waa qofkii oo six un u dhaqmaya. Sheekh Maxamed oo ka sii hadlayey mowduuca khudbada ayaa yidhi “ caa’isha RC, waxay aragtay wakhtiyadii dambe iyadoo dhaqankii dumarku isbedelay, oo aanay sidii hore ay shareecada ku dhaqmi jireen ka tageen, waxay tidhi ‘haduu ogaan lahaa Nebigu CSW dabadii waxay dumarku la yimaadeen, ama dhaqankooda imika aan wanaagsanayn, masaajidada wuu ka joojin lahaa, sidii dumarkii reer banu-israa’iil looga joojiyey.” Alle haka raali noqdee, waxay aragtay qaarkood aan xijaabkoodu wanaagsanayn, ama udgoon soo marsanaya. Waxaynu ogsoonahay xilligan in fitanka ugu badan ka imanayo dumarka, taasoo aynaan mooganayn oo dhacaya, tusaaleyaashan aynu soo qaadan doono; Khatarahaa dumarka ku imanaya, ee loo baahan yahay inaynu kala dagaalano haweenkeena iyo hooyooyinkeen, iyaguna u baahan yihiin in lagu baraarujiyo oo ay iska ilaaliyaan waxa ka mid ah kuwooda gudaha caadooyinka taxanaha inoo soo ahaa ee qabaa’ilkeena, oo qaar badan oo ka mid ah dulmi ku jiro, shareecada islaamkuna Ilaahay SW markuu ka hadlayey caado sharciga khilaafsan waa waxuu ku canaantay Carab dhaqankoodii xumaa, “Marka la waaniyo Carabta ee la yidhaahdo xumaanta iska daaya, waxay odhan jireen waa dhaqankii aabayaashayada, isagaanu raacanyaa, Ilaahay SW isagoo canaanaya waxuu yidhi ‘Aabayaashood miyey raacayaan hadii aanay caqli aanay xumaanta kaga joogsadaan lahayn’ markaa caadadu marka ay shareecada khilaafsan tahay waa munkar, dhinac baa layska dhigayaa. Waxyaalaha munkarka Carabtu dumarka ku hayeen shareecaduna inoo diidayso waa xuquuqaha, sida meherkii, dhaxalkii, waxii laga amaahday, inbadan ayaa Quraanka iyo axaadiistu inooga digeen. Waxa ka mid ah in gabadh guurkeeda nin aanay doonayn lagu khasbo si taas ah, ama si aan toos ahayn, qaarkooda qofkii kufkeeda ahaa ayaa loo diidaa, oo waxaynu naqaanaa dumaasha dhaqankii xumaa ee Carabta ayuu ahaa, innagana wuu innagu soo noqnoqdaa Waxa ka mid ah qof ay calmatay oo geyaan ah oo diin iyo dadnimmo ku wanaagsan ayaa loo diidayaa, oo la odhanayaa kani xoolana ma haysto, reerahii aynu isguursan jirnay maaha, waa reerahii la quudhsan jiray. Waxa ka mid ah in hablahii yaryaraa inta hooyooyinkood soo qabtaan xubintii taranka ka gooyaan, oo weli Fircoonigii sidii u soconayo Sheekh Maxamed oo ka sii hadlayey khataraha dumarka Islaamka dibedaha kaga imanaya ayaa yidhi dumarku fikrado shisheeye inta la soo qaato ayaa ilbaxnimo la moodayaa, markaa ayeynu arkaynaa mushkilada ka jirta dharka, oo da’yartii markaad aragto sida ay u labisan yihiin, aad ayey u foolxun tahay.dhar cawradii bannaynaya, dhar la isku dhejinayo, dhar lagu deyanayo shisheeye, qaar aflaan metela iyo kuwo heesa. Waxa ka mid ah khaladka galay guurkii, oo dumarkii Muslimku iska guursanayaan rag gaalo ah ama jooga dibedaha, oo la odhanayo kanaa xoolo badan haysta, oo aan la eegayn shareecadu maxay ka tidhi. Waxa ka mid ah xafladaha guurka oo loo dhiganayo nidaankii Kiniisada. Waxa ka mid ah dawooyin la is odhanayo kuwan hadii la marsado waa lagu ilbaxayaa, oo subagii Doofaarku ku jiro, oo la isku caddeynayo Waxa khataraha dumarka Islaamka ku xeeran ka mid ah qalabka lagu wada xidhiidho, oo waalidku intooda badan aanay u war hayn khatar badana keena, internetka iyo da’yartu waxay kala kulmayaan, ceeb iyo belaayo oo dhan xambaarsan. Arrimahaa oo dhan waxa loo baahan yahay in da’yarta laga wacyigeliyo oo qalbigooda diinta loo soo jeediyo, si loo qanciyo, oo uu kuula jaanqaadi karo. Waxa ka mid ah in gabadhii lagu abuuro xoolo jacayl oo gaaladuna ku soo jiitaan, markaa sidii ay xoolo u doonaysay ay keenayso inay sharafteeda iibsato, oo shebekadaha xunxun ku dhacdo. Arrimaha dhibaatada ku haya gabadha Islaamka wax aka mid ah siyaasada iyo dhaqdhaqaaqyada la xidhiidha in dhaqaale la soo saaro, hadii ay tahay dawlado ama shirkado, oo qofkii dumarku moodayso inay wax u soo korodhinayaan, tacab iyo dhibaatana way ku jirtaa, keligeed ayey wufuud la socotaa, waalid ama ehel lama socdo, oo gabadhii qiimaha inoo lahayd laga dhigo badeecad yar oo wax lagu xayeysiiyo. Khataraha ku xeeran dumarka waxa ka mid shaqada Xoghaymaha, oo nin ajanabi ka ah la shaqeyso wakhti dheer wada qaataan, karaamo darro inay ku jirto waynu dareemaynaa, qofka caqliga lehna gabadhii halkaa uma shaqo geeyo. Waxa ka mid ah in dumarkii lagu dhiirigeliyo oo loo soo diyaariyo inay doodaha ka qeybgalaan, dabadeena jahli iyo waxyaalo gaalnimmo ah iska dhexgasho iyadii la caayo, la isku xanaaqo, buuqu bato. Waxa ka mid ah ka qeybgalka xisbiyada, oo dumarkii la yidhaahdo imikaad kursigii ku soo boodaysaan, oo aynu arkayno ruuxii dumarka oo aqalkeedii ka soo booday, odeygii iyo ubadkii ka timi, ama waalidkii ka soo carartay,oo marada lulaysa, ama madaxa qaawan oo meel boodaysa. Waxa ka mid ah tartanada quruxda oo la odhanayo quruxdan Ilaahay SW ku siiyey ha qarin ee adiguna ka faa’iidayso, dadkana uga faa’iidee, xoolana ku helo banaanka u soo bax, aduunkaa sida yeela, shaqooyinka ayey ka mid tahay. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in khataraha gabadha Muslimku waajahayso ka mid tahay in inantii la diro oo la yidhaahdo dibedaha ayey wax ka soo baranaysaa, waalid, walaal iyo saygeedii midna lama socdo, keligeed meel marayso, intee ayey adkaysan karaysaa, waa inan da’yar wax cunaysa, gaalo wax la dhiganaysa, sannad, laba hadii ay is adkayso, diinteedii iyo dhaqankeedii wuu xumaanayaa, qofkii diray ayaa u sabab ah? Waxaas oo dhan waa waxyyaalo Quraanka iyo diinteenu diidayso, oo ehelkeena, ubadkeena, gabdhaheena iyo innagaba karaamo darro innagu ah, hooyooyinka aynu doonayno inay inoo soo baxaan, ubad qiimo badana inoo soo saaraan, kuwaa kama soo baxayaan, ama way ku adkaanaysaa, in uu Ilaahay SW hanuuniyo way jiraan, laakiin waa khataro aynu ka digayno, tahayna qofka muslimka ah markuu wax qabanayo, shaqeysanayo ama wax baranayo eego shareecadu maxay ka ogoshahay, maxaase ka xaaraan ah. Arrin khalad ah weeye, marwalba ummadaha aynu kala dhaqanka nahay sameeyaan in lagaga deydo, waa meelaha ummadu ka leexato inay daliishadaan, dad aynaan isku diin ahayn, arrinkaa ayeynu aad u baraarujinaynaa, waalidkuna inuu anteenooyinkiisa taago oo ilaaliyo ubadkiisan aayahiisa ah ku abtirsanaya, u soo duceynaya, waxay ku horumari karaan, ama ku halaagsami karaan.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|