Sarkaal Katirsan Ciidanka Booliska Iyo Walaalkii Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Koonfurta Magaalada Hargaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal Katirsan Ciidanka Booliska Iyo Walaalkii Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Koonfurta Magaalada Hargaysa,
July 8, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Alle ha u naxariistee waxaa galabka shil baabuur ku geeriyooday laba Qof Oo walaalo halka laba kalena, ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo mid ahaa gadiidka raaxada halka kalena yahay Booyada kaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Isha Gobka ee koonfurta Magaalada Hargeysa .

Laba marxuum ee ku dhintay shilka ayaa ahaa walaalo , waxaanu mid ahaa gaashaanle Bedel Xasan Qayl oo  ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland , horre na uga mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM , gaar ahaan saraakiishii Guutaddii caanka ahayd ee Koodbuur.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa gaadhay goobta shilku ka dhacay, waxaanay ciidanku kala saareen gaadiidkaas oo si weyn iskugu dhacay, iyadoo ciidanku adeegsanayo gaadiidka wiishka

COMMENTS
LINKS