Raysal Wasaaraha Somaaliya Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumaddooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Somaaliya Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumaddooda.
July 9, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Raysal Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasoo horjeestay in ay doorashada Soomaaliya waqtigeeda dib uga dhacdo, isagoo hadalkan ka sheegay shirka golaha wasiiradda ee Maanta Qabsoomay

Raysal wasaare Kheyre ayaa sheegay dalka inuu marayo marxalad uu u baahan yahay in laga samata bixiyo lana gaadhsiiyo doorasho ay dadka Soomaaliyeed ku midaysan yihiin.

Raysal wasaaraha somaliya xasan cali khayre oo gudoomiynayay shirkii golaha wasiirada ayaa hor dhisay qorshaha xukuumadiisa ee ah in doorashada somaliya la qabto wakhtigii loo mudooyey isagoo golaha wasiirada usoo jeediyay in go,aankaasi la ansixiyo

“Waa in laga fogaadaa muddo kordhin, sababtoo ah in lagu shaqeeyo fikirka muddo kordhin waxay horseedi kartaa in dalku galo qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuuri ah,” ayuu yidhi raysal Wasaare Kheyre.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa isku raacay soo jeedintii raysalwasaaraha iyagoo isku raacay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto

HALKAN KA AKHRI; WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA SOMALIYA;

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS