Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Fariin Culus U Diray Shacabka dalkiisa Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Fariin Culus U Diray Shacabka dalkiisa Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay
July 18, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah iney dalka Itoobiya ku daadiyaan.

Dr Abiy Axmed ayaa warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya ku sheegay in dowladda waajibkeeda si ay u gudato loo baahan yahay shacabku inay dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo.

Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqankii noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda”, ayuu yiri Aby Axmed
Xaaladda ugu dambeysay ee dalka Itoobiya
Afhayeenka xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Billane Siyuum oo shir jaraa’id qabatay waxay sheegtay in adeegga Interneetka toddobaadka soo socda la sii deyn doono maadaamaa ay xaaladda dalka ka soo reyneyso.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in seddex talefishin oo gaar loo leeyahay xafiisyada ay Addis Ababa ku lahaayeen la xiray, telefishiinnadaasi oo kala ah: Asrat TV, Dimse-Wayane TV iyo OMN TV.

Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Takale Umma wuxuu isna sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin dadka caadeysata tallaabba kasta oo xasiloonida iyo nabadda dalka wax u dhimeyso.

Hay’adda u doodad xuquuqda wariyeyaasha ee CPJ waxay dowladda Itoobiya ugu baaqday in adeegga Internetka fasaxdo wariyeyaasha ay xabsiga u taxaabtayna ay sii deyso.
Labadi maalmood ee ugu dambeeyey inkasta oo ay xaaladda dalka Itoobiya degganeyd haddana, ciidamo hubeysan oo aad u tira badan ayaa laga howl geliyey maagaalooyinka waaweyn ee deeganka Oromada.

Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromadana waxaa lagu soo rogay bandow iyada oo shacabka lagu wargeliyey iney guriyahooda ka soo bixin.

Magaalada Addis Ababana waxay wararku sheegayaan in rabshadihi maalmihi u dambeeyey ka dhacay magaaladaasi laga dareemayo oo ay waddooyinka waaweyn ee magaalada ay hawanayaan socodka dadka iyo gaadiidkana uu ku yar yahay.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay iney xirtay 35 xubnood oo rabshadaha waddankasi ka socda lala xiriiriyey oo ay ka mid yihiin Jawhar Maxamed iyo Baqale Garbaa.

Qoyska siyaasiyiinta xiran oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inuu Jawar Maxamed uu diidday cuntada ay dowladda siiso, halka ay dowladduna diidday in Jawar cunto dibadda looga keeno.

Tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay waxaa la sheegay iney ku dhinteen dad ka badan 80 qof, waloow ay jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca maadaamaa interneetka iyo isgaarsiinta dalkaasi ay go’an tahay.

 

COMMENTS
LINKS