“Nin Muqdisho Jooga Oo Xil Ka Haya Dawladda Ayaa Wax Kula Leh Ama Isku Hayb Tihiin, Dembi In Looga Dhigo Waa Cadaalad Darro, Weliba Waa Wixii Laga Dagaalamay”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Nin Muqdisho Jooga Oo Xil Ka Haya Dawladda Ayaa Wax Kula Leh Ama Isku Hayb Tihiin, Dembi In Looga Dhigo Waa Cadaalad Darro, Weliba Waa Wixii Laga Dagaalamay”Siyaasi Cali Guray.
July 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ayaa ka hadlay xadhiga xukuumadu kula kacday mulkiilihii Astaan cable oo mudo xidhay islamarkaana ay haayadaha dawlada eek u shaqada lahi ka hadal sobobta loo xidhay iyo dambiga loo haysto toona.

Siyaasi cali guray ayaa ku baaqay in uu cadaalad helo taasi oo daliil unoqoysa cadaalada somaliland sida ay tahay xaqna uu u leeyahay in sharciga la hor cadeeyo eediiisa maadama uu wali ahayn danbiile balse uu yahay eedaysane,

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu xadhiga mulkiilaha astaan ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

WAA ARIN LAGU TIJAABIN KARO CADDAALADDA SOMALILAND WAANA LOO WADA DHIGTAAGAYAA

CABDIMANNAAN Dembiile maaha waa eedaysane. Xaq wuxu u leeyahay keliya in cadaalad uu helo. Been iyo wax aan la cadayn karin dambi loogama dhigi karo. Waxa loo baahan yahay sharci Somaliland ah uu jebiyay. Hadii uu jiro oo Maxkamad horteeda lagaga cadeeyo waa sax ciqaabteedana wuu yeelan cid diidi kartaana ma jirto. Nin Muqdisho jooga oo xil ka haya dawladda ayaa wax kula leh ama isku hayb tihiin dembi in looga dhigo waa cadaalad darro weliba waa wixii laga dagaalamay ee maaha wixii loo soo dagaalamayay.

Markaa anigu waxan ku talin lahaa yaan la deg degin sharciguna Majarihiisa ha qaato hana laga dhursugo wadahadalba haadkaasaa ka hadhaye. Sharciga ama waa loo sinnaan ama ninba halkuu ku awood sheegan karo ayuu ku awood sheegane

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf cali Guray.

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS