|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Iyo Lix Waddan Oo Carbeed Oo Cunoqabatayn Kusoo Rogay Shaqsiyaad Iyo Shirkaddo Lagu Eedeeyay In Ay Maalgaliyaan ISIS.
July 20, 2020 - Written by Editor:WASHINIGTON(W,N)- Mareykanka iyo lix waddan oo kale ayaa cunaqabateyno cusub Kusoo rogay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay gacan ka gaysteen maalgalinta howgallada kooxda ISIS iyagoo boqollaal kun oo doollar ugu deeqay hoggaamiyeyaasha kooxda ee Ciraaq iyo Suuriya. Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah sidii kor loogu qaadi lahaa carqaladeynta shabakadaha maalgalinta argagixisada ee adduunka,” ayuu yiri Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo. “Tallaabooyinka maanta la qaaday waxay digniin dheeri ah u yihiin shakhsiyaadka iyo ganacsiyada bixiya taageero maaliyadeed ama kaalmo maadi oo ku wajahan ururrada argagixisada,” ayuu yidhi Mike Pompeo. Wadamada soo rogay cunoqabatayntaan waxay kala yihiin, Mareykanka, Baxrayn, Kuweyt, Cumaan, Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Waxaa ku jira cunaqabateynta sedex shirkadood oo bixiya adeegyada lacagaha ee Siiriya, Waaxda Lacagta Mareykanka ayaa sheegtay inay door muhiim ah ka cayaartay wareejinta lacagaha lagu taageerayo dagaalyahanada ISIS waxayna siisay boqolaal kun oo doollar hogaanka ISIS. Tan iyo markii laga adkaaday waxa loogu yeero khilaafada islaamka ee Daacish sanad ka hor, kooxdu hadda awood uma lahan in ay canshuur ka qaadaan dadka maxalliga ah. Hase yeeshe, khubaradu waxay leeyihiin ISIS ayaa haysata lacag aad u fara badan, taas oo ay u isticmaasho maalgalinta dhaqdhaqaaqyada kooxaha. Related posts:Lix Qodob Oo Kamida Dhaawacyada Madaxwayne Siilaanyo Soo Gaadhsiiyay Qaranka Somaliland Iyo Habdha... Agaasimaha Arimaha Bulshada Iyo Nadaafada Ee Dawlada Hoose Gabiley Oo Si wada jir ah U Gubay Cunto... DAAWO;-Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa Iyo Masuuliyiin Ka Qayb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|