Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Dhulkii Lasiiyay Marwadii Marxuum Cigaal Iyo Fariinta Uu Udiray Xukuumada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Dhulkii Lasiiyay Marwadii Marxuum Cigaal Iyo Fariinta Uu Udiray Xukuumada.
July 13, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa ka haddlay muranka dhuleed ee u dhaxeeya Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal waxaanu ku teliyey in arrinkeeda si hoose loo eego.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in Dowladdii uu ka tirasanaa ee Madaxweyne Rayaale ay siisay Marwo Kaltuun Guri Dowladeed iyo kharashkii ay ku dhisan lahayd, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka SAAB TV waxaanu haddalkiisa u dhignaa sidan :“Marwo Kaltuun waxeedii waanu dhammaynay Guri Dowladeed ayaa la siiyey kharashkii ay ku degi lahaydna waa la siiyey,annaga halkaas ayaa noogu dambaysay,wixii intaa ka dambeeyey maamulkaa kolba jooga inuu sida ugu haboon uga hawlgalo ayaa ila haboon.”

Dhanka kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in aanu xog-ogaal u ahayn muran dhuleedka ka dhex alloosan marwo Kaltuun iyo qoyska Madaxweyne Biixi, balse wuxuu ku teliyey in arrinkeeda si hoose loo eego “Arrinkaa annigu kuma si dhex-dhicin lakiin annigu waan maqlayey inay dad is hayaan, kuma hoos dhaadhicin, laakiin waxa weeye,kolay Madaxweynihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Sharaf ayuu innaga muddan yahay, Marwadiisana in la qaddariyo oo arrinkaa hoos loogu daadego oo waxay ka cabanaysana la dhammeeyo ayaan qabaa.”Ayuu yidhi

Geesta kalena Marwo Kaltuun Xaaji Daahir mar ay ka haddlaysa dhulkaas ayaa sheegtay” Illaa 2003dii Muusaw, Ka ugu Weyn ee i Haystaa Addiguu ahaa,Walli Kama Hadal Qofka igu Yidhaa Ma Muusaa, Dhul kugu haysta Waxaan odhan Jirrey Maya,Labadii Madaxweyne ayaa Dhulkan isiiyay dhinacaana, in aan Dego ayaa la,iisiiyay Dhinacaa kalena Aan Taarikhda Marxuumkii (Cigaal) dhigo Annigu iibsan Maayo Rarina Maayo Dhulka Hargeysa, Hargeysa Guryihii Shacabkana orod eeg Waattaa la boobaye intaad anniga i eegayso dad aan Gayin oo aan Somaliland abaal ku laheyn ayaa Abaal La,aan ku qaatey”. Ayey Tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweynihii Hore ee JSL.

COMMENTS
LINKS