Madaxweyne Biixi Oo Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Ah In Ay Markale Qaraar Kasoo Saarto In Doorashada Wakiillada Lagu Galo Saami Qaybsi La,Aan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Ah In Ay Markale Qaraar Kasoo Saarto In Doorashada Wakiillada Lagu Galo Saami Qaybsi La,Aan.
July 20, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu 48 ka saac ee soo socda maxkamadda sare ee dastuuriga ah u gudbiyo dalab uu ku codsanayo in ay soo saarto go’aan fasaxaya in doorashada wakiillada iyo deegaanka lagu galo tirakoob la’aan.

Go’aankan la filayo in uu madaxweynuhu maxkamadda u gudbiyey ayaa imanaya iyada oo uu midho la’aan ku dhammaaday kulan madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiyada siyaasaddu ay maanta hoggaanka dhaqanka ee gobalka Awdal ugu gudbiyeen baaq ay kaga dalbadeen in ay aqbalaan in doorashada lagu galo tirakoob la’aan. Maadaama oo gobalkaas ay ka imanayso cabashada ugu miisaanka culus ee saami-qaybsiga kuraasta wakiilladu.

Kulankan ayaa la sheegay in la soo xidhay kaddib markii hoggaanka dhaqanka ee Awdal ay kala aragti ka noqdeen aqbalaadda ama diidista baaqaas.

Sannadkii 2005 ayaa ay maxkamadda sare soo saartay go’aan ay ku sheegayso in markaas oo keliya doorashada wakiillada lagu galo tirakoob la’aan. Waxa aanu qorshuhu ahaa inta doorashada dambe aan la gaadhin in la sameeyo tirakoob guud oo lagu salaynayo saamiqaybsiga kuraasta wakiillada. Laakiin 15 kii sano ee doorashadaas ka dambeeyey laguma guulaysan tirakoobkaas ama in khilaafka saamiqaybsiga xal laga gaadho.

Xisbiyada siyaasada ayaa dhowaan ka heshiiyey khilaafaad u dhexeeyey oo caqabad ku ahaa doorashada, laakiin si doorashadu u qabsoonto waa in sifo sharci ah lagu buriyo go’aankaas hore ee maxkamadda, si mar kale doorashada tirakoob la’aan loogu galo.

 

 

COMMENTS
LINKS