|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum fanaan Maxamed Cige Busi Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
July 2, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 02/07/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & sugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Daawo-Gudoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Khilaaf La Sheegay Inuu U Dhexeeyey Golaha Guurtida iyo Wakiilad... DAAWO; “Anigu Waxaan Islahaa Inta Maamulka Muuse Biixi Gaadhayo 100 Cisho Ha Hadlin, Balse Lays lama... Wareegtooyin Is-khilaafsan Oo La Xidhiidha Fasaxa Shaqaalaha Ee 26juun Oo kasoo Kala Baxay Haayada S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|