|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum fanaan Maxamed Cige Busi Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
July 2, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 02/07/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & sugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khudbad Ka Jeediyey Xuska 36-guurada kasoo Wareegtay Maalinta Dhallinyarad... Xukuumada Somaliland Oo Dalka Ka Mastaafurisay Dad Si Sharci-darro Ah Hawlo Macdan-baadhiseed U Wada... Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale oo Is-casilay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|