Khabiir Maraykanka U Qaabilsan Amniga Qaranka Oo Sheegay In La Gaadhay Xiligii Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khabiir Maraykanka U Qaabilsan Amniga Qaranka Oo Sheegay In La Gaadhay Xiligii Somaliland!
July 12, 2020 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N)-Khabiir Magaciisa la yidhaahdo, John Rosenberg  oo takhasuskiisu yahay xidhiidhka amniga Qaranka Maraykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ( isa U.S. – Africa Government relations and national security specialistin Washington.) ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii Somaliland, Isla markaana loo baahan yahay in aqalka cad ee Maraykanku meel mariyo talaabooyin cusub oo laga ansixiyo aqalka Baarlamaanka bisha January ee foodda inagu soo haysa.

Khabiirkani oo bartiisa twitter-ka soo dhigay hadalkani, waxa uu uqornaa sidan. “Hadda waa waqtigii Hargeysa ay u dhaqaaqi lahayd.

dhinaca Washington

John Rosenberg

@Latitude90

“Haa waa run inuu qof cusubi yimaado aqalka cad, isla markaana uu kaansixiyo Baarlamaanka iman doona January, laakiin, waxa hadda la isla meel dhigay talaabooyin waaweyn oo dhinaca aqoonsiga ah iyo xidhiidho muhiim ah oo lala yeesho Somaliland” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo uu

shalay soo dhigay Bartiisa twitterka Khabiirkani.

COMMENTS
LINKS