|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiyada Wadani Iyo Ucid Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Iyo Arimaha Ay Ka Wada hadleen!
July 14, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Hoggaanka Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa galabta kullan kula yeeshay Magaalada Hargeysa Daanjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga Oo socdaal ku yimid caasimada somaliland kulan ayay kaga wada Hadleen arrimaha doorashooyinka isku sidkan iyo diiwàangelinta codbixiyayaasha Dalka. Kullankan ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,kaas oo ahaa mid ka qabsoomay howga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahay Guddoomiye Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qoraal uu kaga hadlayo kulanka ay wada yeesheen safiirka midowga yurub ku baahiyay bartiisa xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Guddoomiye Faysal iyo Annigu, waxa aan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga, oo aan kala hadalnay arrimaha doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta, Waxa kale oo aan kala hadalnay sidii Beesha Caalamka u kordhin lahayd Kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.”ayuu ku yidhi qoraalkiisa Related posts:Faadumo Siciid oo Ka Digtey Dhibaatoyin Ka Dhalan Kara Taarikada Cusub Ee Baabuurta iyo Fariin Ay U ... Daawo:Wasiirka Wasaarada Warshadaha Oo Ka Difaacay Madaxweyne Silaanyo Eedaymo uu U Soo Jeediyay Was... Dalalka Caalamka Ee Taageera Dimuqraadiyadda Somaliland Oo Ka Walaacsan Is-Mari-Waaga Madaxweyne Bii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|