Gudoomiye Cirro Iyo Ex Xoghaye Uurcade Oo Xafiiltan Siyaasadeed Oo Kala Irdheeyay Kadib Kulan Yeeshay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Cirro Iyo Ex Xoghaye Uurcade Oo Xafiiltan Siyaasadeed Oo Kala Irdheeyay Kadib Kulan Yeeshay.
July 21, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan cirro iyo Xoghayihii hore ee xisbiga wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade Ee doorashadii madaxtooyada kadib ay siyaasadu kala kaxaysay xilkana uu ka qaaday xisbiga wadani ayaa maanta mudo dheer oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyay kadib kulan qado ah wada yeeshay.

Kulan gudoomiye cirro iyo Ex xoghaye uurcade oo kamid ahaa aas aasayaashii xisbiga wadani ayaa ahaa kulan qado ah kaasi oo daarnaa sida uu gudoomiye cirro uu sheegay in ay iska laab xaadheen qardoofooyinkii siyaasadeed ee soo kala dhexmaray

Kulanka labada siyaasi oo ee wada aas aasay xisbiga wadani balse ay xanaftii doorashada iyo guuldaradii xisbiga kasoo gaadhay doorashadii madaxtooyadu kala kaxaysay ayaa noqonaya mid bar bilow u ah siyaasiyiinta Somaliland ee iyagu ku kala taga aragtida iyo gad gadoonta siyaasada xisbiyada Somaliland oo ah mid aan wali fadhiyin mabda,a wax wada lahaanshaha xisbiyadu ayaa noqonaya kii   ugu horeeyay ee siyaasiyiinta reer Somaliland ee khilaaf kala irdheeyay ay isku laab xaadhaan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS