|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudomiyihi Hore Ee Rugta Ganacsiga Jsl Oo Maanso Ku Cabiray Xaalada Dalka Iyo Hogaaminta Xukuumada!
July 5, 2020 - Written by Editor:“Waxaan Diidayaa Taban Hogaan Aan Dan Ka Lahayn Ubaxii Dalkiisoo Doog Dhabasho Aan Jirin Daasad Looga Tumay Xamar,ABWAAN MAXAMED SHUGRI HALKAN KA AKHRI MAANSADA: “MAXAAN DIIDAYAA TABAN? Ee Gudoomiyihii Hore Ee Rugta Ganacsiga Jsl MAXAMED SHUKRI JAAMAC. Waxaan diidayaa taban Hogaan Aan Dariiq Sugan Daw cadaana oo dhilan Dadku wada ogsoonyiin Dambas weyne lagu hubin, Hogaan aan duqeytida Daan ciroole soo jirey Dalyaqaanka beeshiyo Dood yaqaanka aan xilin Darmo aan u fidinoo Daris aan ka weeleyn. Waxaan diidayaa taban Hogaan dooran keligii Garashaba dareenkiyo Intuu daawan karo tahay Isku daabni haystoo Cidba aan dan ka lahayn. Waxaan diidayaa taban Hogaan dee nin doortiyo Ninkii diiday kala gura Dadka uu xukumayaa Badhna daabac uu yahay Iska daadax socodoo Dixda aan hormo u gelin Sida nugul diraaceed Darka qaranka kaba fulin , Durna qaar yihiinoo Siduu yidhi ma daalii Diriceeni dheelmaday Duqii Gaariyee tegey Rabbi darajo sare iyo Janno hawgu deeqee “Degta qaran badh lagu sido Badhna reerka soo degey Yahay reerka daba yaal”, Waxaan diidayaa taban Hogaan aan dan ka lahayn Daba guranka qarankiyo Dildilaanka beelaha, Waxaan diidayaa taban Hogaan aan dan ka lahayn Ubaxii dalkiisoo Doog dhabasho aan jirin Daasad looga tumay Xamar, Waxaan diidayaa taban Hogaan aan dan ka lahayn Dacwad tabasho ruux qaba Debec lagu dhegeystiyo Dawadii garsoor tahay, Isku soo dabaaloo Waxaan diidayaa taban Hogaan aan dan ka lahayn Dalacaadu iney tahay Kasbashada dadkiisiyo Duub hiishu xagatiyo Duhur iyo boqool iyo Dayax lagu iftiinsado Daba socodka raadkoo Danta qaranka loo dhaxo. Waxaan diidayaa taban Dal mucaaradkiisii Dawankiyo caroogii Haday debecdo qaansadu Diiranaan ku werinlaa Inuu gaabshey diricii Loo doortay geediga Doorka maanta hagilaa Bulshadana dareenkii U digaayey noqonlaa, Waa doonis iinlee Dal mucaaradkiisii Xilkii uu dadweynuu Darajada ku siinlaa Daraahiim ku iibsaday, Marka midigta loo dabo Iska dabac muxaafida (dhaqan) Marka lagala daahana Soo kiciya duufaan, Waxaan diidayaa taban Dal mucaaradkiisii Ka shib yidhi dabaylaha Dadka ruxaya maalmahan, Waxaan diidayaa taban Dal mucaaradkiisii Inuu Dahabo guursado Dadabtana usoo galo Ka dumaalo saxardiid Ka dacwadhay hankiisii, Dal mucaaradkiisii Dambas iila eeg yahay Dal mucaaradkiisii Dookhiisu lacag yahay, Dannibaana igu jira Duqa iney la xidideen La ogyiin wax diimoon Ka qarsoon dadweynaha, Isku soo dabaaloo Waxa aanan uba dudin Diiqad iyo u gelin buuq Nabarkaa la dedayaa Wuu dilaaci doonaa Duhurbuu gambada furan Dambarkiisa wax dhami Ninka daahay milikaa. Waxan diidayaa taban Shacab yahaw dan seegi’i Shacab yahaw dayeysani Sodon sano ka dabadood Weli dayrku xanan yahay Duddadiisu fagan tahay Dookhiisu hebel yahay Reer hebelna diin yahay Dadka kale ka mudanoo Nin danqaabay meyd yahay La dilaa banaan tahay, Daleed lagaga hoydee Ka hadhgalay darwiishkii Dunta boqorka loo sudhay Iyo kii dumaashiyo Doorka xiga u feeydnaa, Isku daahayee jabay Isku daalayee lumay Intii aad dagaalada Deriskaa ku foogneyd Mid sidaada dulugle ah Isba aan daryeel qabin Dacdarraanta kula qaba Ma ogtahay dareen jira Daadka soo rogmanayee Deyrba aanu kaa xigin Duulimaadka soo maqan Raba inaad daluuntii Godki Daado lagu cunay Iyo curadki Doolaal Dadqaladu ka badanyiin Orgobkii darraatoo Meel aan daymadaadiyo Dareenkaagu hadi Karin Lagaa daawanaayoo Diirad meel shishe ah taal Ku dul sudhantay ma ogtahay, Hadaan duurxulkaygani Daahir aanu kuu noqon Diirka aan ka qaadoo Dusha sare ka qolof rido, Doobka seexdayow maqal Dar Allee dhegaa furo Dulmarow warbaa jira Dulucdiisu ay tahay Dusha oo lagaa raro Dabar lagugu foofsado Doc madaw habeenkii Isla duubto macaluul Halka deylo daaqdana Duul kale lasoo furo, Dooni aanad garaneyn Dadka saaran ee ullan Dekedaada lagu xidho Adna daawashiyo yaab Didmo aad ku dhawrtaa Dadkan lagugu soo raray. Daakiraada subixii Daaman hilibki ka engegey Duud xagan la toostoo Dibno ciil lasoo kogay Duco nuxur la,aaneed Gacmo daaley fidisoo Daa,inow tidhaahdaa. Waxaan dooda kaga tegey Waar hooy dadkaygoow Haday taladu daw tahay Dooyo nabada faalada Damal lagu gorfeeyiyo Debec aynu haynaa Laysla doonan karayaa Waxaad adigu doontiyo Waxa aniga ii daran. Qalinkii;Maxamed Shukri Jaamac Hargeysa/Somaliland Related posts:Taliyaha Laanta Socdaalka Wajaale Ee Somaliland Oo Gubay Calanka Ethoipa,Laanta Socdaalka Ethiopia O... Halkan Ka Daawo Madaxwayne Siilanyo Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirku Xigeenka Ingiriiska U Fadhiya... Daawo: Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Soma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|