Eng Mubaarik Oo Ka Mid Ah Maamulka Ururka Xoojinta Qarannimada Jsl Ayaa Sharaxay Doorashadii Baarlamanka Somaliland Ee 1960 Iyo Saami Qaybsigii Beelaha Ee Kuraarasta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eng Mubaarik Oo Ka Mid Ah Maamulka Ururka Xoojinta Qarannimada Jsl Ayaa Sharaxay Doorashadii Baarlamanka Somaliland Ee 1960 Iyo Saami Qaybsigii Beelaha Ee Kuraarasta!
July 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Eng Mubaarik Ciise Oomaar Oo Ka Mid ah,Maamulka Sare ee Ururka Xoojinta Qarannimada Somaliland,Degana dalka Australiya ayaa si balaadhan u sharaxay sanadkii 1960 doorashadii baarlamanka Somaliland iyo sidii loo kala helay saami qaybsigii kuraarasta iyo doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday sanadkii 2017-ka.

Mar Alaale iyo markii Xisbiyadu ka heshiiyeen wixii dhex yaalay,ayaa markiiba lala soo baxay erayga Saami qaybsi oo aan anigu kariirad kale oo dadka qaar rabaan in ay u dhigaan doorashada laga heshiiye qabashadeeda.

Asalkaba hadad maqasho  Saami qaybsi waa cadaalad in wax lagu qaybsado.badanaba sida dheefta loo qaybsado ayaa dhibtana loo qaybsada. Magta hadaynu eegno inta ugu badan waxaa bixiya  reerka ugu rag badan. Sidaa darted ayey wixii dheef ahna ka badsanayaan.

Laakin qolyahan tay doonayaan waa sad bursi qofba siduu ku helayo ku raadsada,Nasiib daro Somaliland waxaa jira shakhsiyaad ama beelo  ( Blackmail ) waxa ku raadsada oo micnaheedu yahay  HADAAN SIDII LA II YEELIN ,Doorasho dhicimayso , Ictiraaf helimayno, nabadi jirimayso iyo wax ciil kaa dilo.

Waxaan yar sharxi doona siday waxay doonayaan Sad bursi ku noqdeen, iyo in ay dulmiyaan beelo kale.aniga doodaydu waxay ku salaysan tahay sida reeruhu u kala badan yihiin in ay kuraasta ku kala badsadaan ,waanay dhici karta in aanay dadka qaar ku qancin tirade ,laakin taa waxaa lagaga gudbi kara  tirkoob rasmi ah cid walba raali ka tahay.

Inta taa ka horaysa aniga waxay illa tahay in wixii macluumaad ah ee aynu helaynayo soo ururino  darisno markaa ka gaadho  xal ku meel kaadha ah( Inkasta oo aan anniga shakhsiyan shaki igaga jirin sida loo kal badanyaha) macluumadka aynu haynu aan midmid u soo qaadno.

Tiro Ku koobnayd raga,oo ah illa imika kuwa lagu xisaabtamo ee Magta bixiye,intii ingriisku Somaliland ilaalinaaye.Xafiisyada DC waxaa shaqadooda ka mid ah ururinta magaha ,sidaa dartee wuxuu caaqil waliba keeni jiray inta lab ee reerkiisa magta bixisa,sidaa wxaa lagu ogaaday tirade (BADH) ka mid ah bulshada Maxmiyada ku noolayd bal waxaynu eegi doona tirada bari ,badhtamaha iyo Galbeed ee rag ah.

Dia paying Groups

Beesha Dhexe (Isaaq) tirada labka                                             420,000 nin

Beelaha bariga iyo galbedka{Harti,Samaroon Gadabuursi)     220,000 nin

isugayn          640,000 nin

Waa maxay PERCENTAGEKA  ay ka kala heli lahaayeen 82 kursi

Beesha dhex                              65.65%           54 kursi

Beelaha Bari iyo Galbeed         34.37%           28 kursi

B)Doorashadii  British Somaliland ka dhacday 17/2/1960

Party                                               Number of Votes  % of Votes Number of Seats (33)

Somali National League       (SNL)    42,395                52.10%                 20 seats

United Somali Party            (USP)    13,350                 16.41%                  12 seats

National United Front        (NUF)    20,249    24.89%      1 seat

Somali Youth League          (SYL)     4,626          5.69%

Others                                                    ‪746 0.92

Xisbiyada  SNL iyo NUF  beesha dhex ayaa taageeri jirtay waxay heleen  52.1%  +  24.89% =76.99%

Xisbiga USP waxaa taageeri jiray beelaha darfyada   waxay heleen   16.41%

Xisbiga SYL    wuxuu helay         5.69%

Hadii aan kuraasta maanta oo ah  82 kursi ku qaybiyo PERCENTAGE ka berigaas

Waxay manta heli lahaayeen.

1.Beesha dhex( Isaaq)   76.9/100 x 82 =  63 kursi

2.Beelaha bari iyo Galbeed ( Harti, Samaroon iyo Ciise )  16.4/100 x 82 =  14 kursi

  1. SYL 5.69/100 x 82 = 5 kursi

Fiiro Gaar ah . Xisbiga NUF oo 20,000 cod helay hal kursi ayuu helay

Xisbiga USP oo 13,000 cod helay  12 kursi ayuu helay

Sidaa 20,000 qof ayaa ku waaye cid matesha.

Doorashadii dhacday 26 June,2010  ee Riyaale iyo Siiraanyo ku tartamayeen

Tirada cod bixiyayaasha  gobolada.

Awdal         176,916        16.5%

Sool            98,313           9.1%

M/Jeex      361,499          33.8%

Saaxil          43,090            4 %

Togdgeer   243,229          22.7%

Sanaag       146,369           13.7%

Total             Total            1,069,326

Tirada maalinta doorashada codaysay  Beesha dhexe waxay ka noqonaya 68%

Saamigay 82 kursi ku yeelanaysaana maalintaa waxay noqon lahayd 68% x 82 =  56 kursi

Tirakoobi UNta  ee 2014 kii laga sameeye wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Somali.

Natiijada tirakoobkani waa ka qolyaha sad bursiga doonaya ee ay  marin habaabisay (Awdal Monitor Group) si uu u badiyo beelaha bariga iyo galbeedka oo uu beesha dhexe u yareeyo  wuxuu sameeye JADWAL jeebkiisa ah,wuxuu qoraya Awdal  Isaaq 0%. Waqooyo Galbeed Tirada Isaaq 75%, Togdheer 70%, Sool 10%,Sanaag 45%

Sidaa dareet wuxuu naftiisa iyo ummada kale gaadhay in Isaaqu Somaliland ka yahay 40%, Non Isaaq na yahay 60%

Anigu Awdal oo Samroon,Ciise iyo Isaaqba dagana, percentage isaaq iyo inta Samaroon Waqoyi Galbeed ( District Gabiley)ka dagta ayaan ISU TUURAY.

Togdheer Wuxuu ka dhigay  Isaaqa 70% isaga  30%  oo uu jaray Boohoodle

Sool  Isaaqa Wuxuu ka siiye 10%  oo u jeedo tirada Caynaba degta .laakin aanigu  Boohoodle iyo Caynaba waan isu tuuray,  bicdama tira isu dhow  ayey yihiin  Boohoodle iyo Caynaba

Sanaag wxbadan muu farfarayn,sidaa darted ayaan sidan u xisaabiye

Awdal                             673,000                    19%                           15 kursi

Waqooyi Galbeed           1,242,000                  35.4%                       29 kursi

Togdheer                           721,000                     20.5%                       18 kursi

Sool                                    327,000                       9.3%                            8 kursi

Sanaag                                544,000                     15.5%                          13 kursi

ISUGAYN                         3,507,000

Kuraasta beesha dhexe    Waqooyi Galbeed  29 +  Togdheer 18 +  1/2   of Sanaag  =  53 kursi, 64%

Kuraasta beelaha bari iyo Galbeed                    29 Kursi, 36%

Tirada  cododka  Gobolada  doorashadii Madaxtooyada  ee 2017

Awdal       102,000        11 kursi

M/Jeex     250,000        29 kursi

Sanaag    80,000              10 kursi

Saaxil      60,000                7 kursi

Sool         65,000               8 Kursi

Togdheer      147,000      17 kursi

Total            704,000

Beesha dhex waxay tiradaa ku helilahayd    58 out of 82.

 

 

COMMENTS
LINKS