|
|||||
WAJAALE NEWS
Dilka Qof Muslinka Ah! W/Q; Amir Bidde.
July 7, 2020 - Written by Editor:Waxa beryahan gobollada bariga Somaliland ka dhaca dagaallo beeleed. Dagaaladan oo sannadihii u dambeeyey noqday kuwo markasta oo la xalliyo, haddana dib uga bilowda gobolka Sanaag, Sool iyo deegaanada Buuhoodle, gobolka Saaxilna maalmahan buu ku soo biiray. Haddaba waxaynu nahay dad muslimiin ah ee maxay diinteenu ka qabtaa dilka qof muslin ah. Waxaan halkan idinkula wadaagi tafsiirka aayadda dilka u kaska ah (ku talagalka ah). Dilka u kaska ah: Dilkani wuxuu leeyahay 3 shardi oo ah 1. U qasdi (ku talo gal) 2. Ficil (fulin) 3. Isticmaal shay wax dili kara (sida tusaale ahaan middi, bud, rasaas iwm). Hadii qofka la dilay ka wax dilay isku kaf yihiin (muslim yahay), xorna yahay (aan addoon ahayn) qisaastii way waajibaysaa (in loo dilaa way waajibaysaa). Gacan ku dhiiglihi waa inuu luquntiisa keena, dadkii qaraabada u ahaa ka la dilay hadday doortaan in loo qisaaso waa loo dili. Qisaasta ayaa asal u ah dilka camdiga ah (u kaska ah). Dadkii xigtada u ahaa ka la dilay hadday doortaan inay mag (diyo), waxay beddel ka noqon qisaastii. Magtan markaa waajibaysa waxa la yidhaa mag la cusleeyey; waxayna ku waajibaysaa qofka wax dilay. Maaha xigtadiisa ama tolkiisa cidda ay ku waajibaysaa. Tolku ma bixinayo ee ninka wax gaystay baa laga rabaa. Isagu markaa hadduu doono ha dawarsado. Laakiin in qaatilka dabada la gashado oo la yidhaa magtiina waa tan, ma bannaana. Qof wal oo magtaa wax ka bixiyaa dambi ayuu ku leeyahay. Gacan ku dhiiglaha maalkiisa ayay ku waajibaysaa, markaaba waa inuu tiriyaa oo waqti lama siinayo; haddii wax kale la waayo wuxuu haystaa la xaraashi (guri, beer iwm). Magtan waxa kale oo lagu cusleeyey xagga xoolaha la bixinayo oo boqol geela oo afartan riman tahay, 30 shan jirro yihiin (madaxa shantii la galay) iyo 30 afar jirro ah (afrta madaxa la galay). Asalka magtu waa geel. Haddii geel la waayo waxa la bixin qiimihiisa runta iyo xaqiiqda ah. Ahlil cilmiga qaarkood waxay yidhaahdeen waxa la bixin karaa dahab u dhigma 1000 dinaar (dinaarkii Rasuulka scw). 1000ka dinaar waxay u dhigmaan 4kg iyo1/4kg oo dahab (afar kilo iyo rubuc). Qiimaha kilooga dahabka ee imika waa 50700 dollar (july 2020). Afar kilo iyo rubuc oo magta ninka ah waxay noqon markaa 215.475 dollar (Laba boqol iyo shan iyo toban kun, afar boqol iyo shan iyo todobaatan dollarka Maraykanka). Qofka dumarka ah magteedu ½ magta ninka. Maaha qiimo ay ka heshiiyaan afar Caaqil; qiimaha diintaa goysay. Xoolahana tolka ninka la dilay maleh, ee waxa iska leh carruurtiisa iyo ciddii dhaxalka qofka la dilay leh. Waxa kale oo gacan ku dhiiglaha ku waajibaysa kafaaro gud oo ah xaqii Alle. Taas oo ah xorayn addoon, haddii addoon la waayo laba bilood oo xidhiidh ah oo soon ah. Maalin hadduu ka boodo waa inuu dib u soo bilaabaa, sidaa awgeed waa inuu qorshaystaa si aan maalin ciideed uuga soo dhex gelin. Maaline hadday ka soo dhex gasho waa inuu dib ka soo bilaabaa, hadduuna haysan cudurdaar sharci ah sida xanuun uuna ka soomi karin, ama dhiiga caadada haddii gacan ku dhiigluhu haweenay yahay. Hadduu qofku soon kari waaayo sadaqo ma loogu beddeli? Jawaabtu waa maya! sida Mad-habta Shaafic qabto. Qabiilkiisu magta ma ka bixin karaa? Hadduu towbad keenay oo dilka ka dhacay ka soo noqday oo ka muroogaday, way caawin karaan illeen waa qof muslima oo dayn lagu leeyahaye. Ninkase dadka waddada isku taaga sida waxa Soomaalidu tidhaa dayday, dhuljiif, budhcad ama mooryaan ama xurguf beeleed ciddii wax ka bixisa ee tidhaa magbaan ka bixinaynaa waa cid dilka ku caawisay oo wuxuu ku jiro raalli ka ah, kana qayb ah. Sababtoo ah arrintani waxay u fududaynaysaa dilka muslimiinta. Ilaahayna wuu innaga reebay inaynu cadowtinimo iyo dambi isku caawinno. (وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا) [Sorultu An-Nisa’ 93] Aayadda 93aad ee suuratunnisaa waxa sheegaysaa abaalmarinta aakhiro ee la marinayo qofka u kas qof u dila. Ibnu Cabbaas oo ah caalimkii umadda Nabi Muxamed scw, isla markaana ahaa turjumaanka ama fisiraha Quraanka Kariimka ah wuxuu ku tegey inaanu towbad lahayn qofka si ula kac iyo maan ah u dilay qof kale, sida aayadda macneeha tooska ahba ka muuqda oo ah in qofka u kas u dilay qof: abaalkiisu yahay naarta jahannamana kuna waari doono, cadho Ilaahayna korkiisa ahaatay, lacnaddii Allena ku dhacday oo laga fogeeyey naxariista Ilaahay. Allahna u diyaariyey gacan ku dhiigla cadaab wayn. Waxa kale oo sidaa ibnu Cabbaas qaba asxaab badan oo ay ka mid yihiin Zayd bin Thaabid oo ah asxaabigii khulafadu u xilsaareen qoridda kitaabka Quraanka, iyo Abu Hurayra oo ka mid ah kuwa asxaabta ugu xadiis badan (werinta axaadiista Rasuulka scw). Ahlil cilmiga badankooduse waxay leeyihiin wuu leeyahay gacan ku dhiigluhu towbad. Qof wal oo xagga Ilaahay u soo noqda oo towbadda shuruudaheegii la yimaad waa laga aqbalaa towbadda. Qofka wax dilay saddex dambi ayuu galay: Allah dambi ayuu ninkani ka galay oo naf la xaaraantimeey ayuu gooyay. Allah wuu iska cafin karaa. Dadkii uu qofka ka dilay dambuu ka galay. Ninkan la dilay tusaale ahaan carruur yaryar baa ku xidhnayd, xaas iyo reer buu u shaqaynayay, carruur yaryar buu dilkani agoon ka dhigay, haweenay ayuu calmar (tu laga dhintay) ka dhigay. Waalid baa intaa ku soo dadaaalay qofkan la dilay, oo xooggoodii iyo xoolahoodii ku dhammaadeen oo u ahaa inankoodii ay mustaqbalka ka sugayeen. Haddaba haddii la yidhaa dadkani qisaas ama mag ayay ku dawoobi; dambi saddexaad ayaa u yaal gacan ku dhiiglaha; Qofkii uu xanuujiyey ee uu qudha ka jaray dambigaa iyo gardarradaa ma cafinayaa? Ma ogin. Waayo qofkii la dilay kuma soo noqonayo dunida oo cafis lagama dalban karo. Aakhirana in bani-aadami wax cafiyaa ma sahlana. Meel dhib wayni taal oo uu qofku ka cararayo aabbihii iyo hooyadii, xaaskiisii iyo carruurtiisa oo qof walba tiisu cuslaysay! Meel aad u baahan tahay wax aad ku badbaado oo ah camalsan iyo ajar , iyo wax kaa xambaara dambiyadaada ….meeshaa inaad wax ku cafidaa way adagtahay. Ahlil cilmiga qaar waxay yidhaahdeen hadduu qofka wax dilay markaaba qoortiisa keeno oo hore badhka laga taago oo markaaba la dilo, in Ilaahay kii la dilay xaggiisa fadli ka siiyo oo kana ku yidhaa adba waxba kamaad dambayne iska tag. Ilaahay baa og. Ahlil cilmiga in badan ayaa sidaa tidhi (tilmaantay towbad aqbal) laakiin qofkii qof muumin u kas qudha uga jaray waa arrin wayn oo aad iyo aad u culus. Waxa kale oo la wariyey in nin qof dilay oo aad uga warwarsan falka uu gaystay in ibnu Cabbaas yidhi towbad wuu leeyahay. Mar haddii arrintu dhacday qofka lagama quusiyo naxariista Ilaahay. Waxana la odhan towbad keen oo toosnow. Qofku intuu bannaanka joogo ee uuna dhiig muslin gelin wax fiican buu haystaa. Waasicnimo ayuu diintiisa kaga jiraa intuuna dhiig xaaraan ah gelin; waa xadiis Bukhaari wariyey. Abii Daauudna wuxuu xadiiskan ku daray: hadduu galo dhiig xaaraan ah wuu fadhiistay, wax kicin karaana ma jiro. Isagaa qofkaasi is cidhiidhyay oo waasicnimadii iska saaray. Nabiga csw ayaa laga weriyey intuu kacbada sidaa u eegay inuu yidhi: xurmadaadu wayni badanaa, sharaftaadu waynaa laakiin qofka muuminka ah ayaa kaa xurmo badan. Xigasho Tafsiirka Sh. Axmed Maxamuud (Axmed Yare) Wa billahi towfiiq, QALINKII; Amir Bidde COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|