Dhismaha Dekedii Ciidan Ee Imaaraadku Ka Waday Berbera Oo Fashilmay Iyo Shirkadii Dhisaysay Oo Qalabkii Dekeda Ka Dhoofinaysa La Joojiyay+Daynta Loo Haysto! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhismaha Dekedii Ciidan Ee Imaaraadku Ka Waday Berbera Oo Fashilmay Iyo Shirkadii Dhisaysay Oo Qalabkii Dekeda Ka Dhoofinaysa La Joojiyay+Daynta Loo Haysto!
July 19, 2020 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Dekedii ciidamada ee dawlada emaraadka ka waday dhismiheeda magaalada berbera ayaa gabi ahaan istaagtay kadib markii ay dhismihiisa joojisay shirkadii gacanta ku haysay iyadoo la sheegay in uu fashilmay islamaraakana uu istaagay Mashruucii dhismaha Dekeda Ciidan ee Dawlada Imaaraatku ka samaynaysay Duleedka galbeed ee magaalada Berbera kaasi oo ay dhisaysay shirkada Diver Marine Construction LLC ee Mulkiyadeeda uu leeyahay nin falistiiniya oo lagu magacaabo Cabdalla Darwiish.

Wararka laga helayo magaalada berbera ayaa xaqiijinaya in laba maalmeed ee ugu danbeeyay ay shirkada dhisaysay qalabkii lagu dhisanayay saldhiga milatari laga rarayay dekeda Berbera qalabkaasi ay shirkadu  Dekeda ka dhoofisay ayaa   isugu jira cagafyo, Wiishash, xafaarado, Gaadiid Iskarogooyin ubadan iyo noocyo kaloo badan oo kamida qalabka dhismayaasha ay leedahay shirkadani Diver Marine Construction LLC oo loo raraayay dalka falastiin oo shirkada fadhigeedu yahay.

Shirkada dhisaysay saldhiga milatari ayaa laga Joojiyay in ay  Qalabkii dalka Debediisa ay urarto kadib markii ay soo baxday dayn cadadkeeda lagu sheegay 600,000$ lix boqol oo kun oo dollar oo shirkadan ay ku leeyhihiin muwaadiniin Somalilanders ah kuwaas oo kala ah iskaashatada gaadiidka iskarogooyinka ee dhismaha Dekedan fashilantay ka shaqeynayay iskaashatada booyadaha Biyaha siin jiray shirkadan Booshariyada khudaarta iyo cunatada looga qaadi jiray shaqaalaha shirkadan iyo kaalmaha shiidaalka siin jiray oo caawa ogaaday in qalabkii shirkadaas oo geeraash ku xereysnaa si hoose loo rarayo iyada oo aan dayntaas la bixin lagana wada hadlin waxaan sidaasi uxaqiijiyay warbaahinta qaar kamid masuuliyiinta iskaashatooyinka iyo shirkadahan ganacsi oo sheegay in lacagtaas lagala baxsanayay ninkii carbeed ee shirakada lahaana waa hore dalka ka baxsaday shaqaduna ay mudo sanad iyo badh ah ka hor istaagtay dekedii la doonaayay in la dhisana hada badu buuxisay dhulkii la qoday sideedii horena ku noqotay.

Qalabkan ayaa waxa si hoose oo jabaq la,aana uraraayay caawa markii la joojiyay Wakiilka Mulkiilaha shirkadan oo Xuseen Maxamed Xasan oo lagu naanayso Cukaashe 00 ay isku jufo hoose kasoo wada jeedaan wakiilka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Masuuliyiinta Gobolka saaxil iyo Degmada Berbera oo ay udacwad tagteen Daylayaashani ayaa joojiyay qalabkan inuu dalka ka baxo ilaa inta daynta muwaadiniintan la bixinayo.

Mashruuca Dhismaha Dekedan Ciidan ee Dawlada Imaaraatka dhidsanaysay ayaa mudo hadda la joogo sanad iyo badh ka hor istaagay iyada oo aan marka horena wax sidaasa oo dhisme dekedeed ah aan la samaynin marka laga reebo xorafado waaweyn oo bada dhinaceeda laga qoday oo loogu talagalay in sabada dhismaha Dekeda la saaro kadibna bada lagu soo faruuro.

Faashilka Mashruucan ayaa ku biiriya liiska mashaariicdii faraha badnaa ee hore uu ubalaan qaaday dawlada isuataga Imaaraatku ee Fashilmay iyaga oo qaarkoodna bilawgii horeba ku fashilmeen halka qaarna aan la bilaabinba waxaana haboon in badhitaan rasmiya lagu sameeyo sababaha keenaya faashilka mashaariicdan labada dawladood hore qalinka ugu wada duugeen.

WAJAALENEWS DESK

BERBERA OFFICE

COMMENTS
LINKS