Dawladda Soomaaliya Oo Wada Hadalada Guddiyada Farsamo Ee Hargeysa Iyo Muqdisho Ku Soo Dartay 4 Xubnood Oo Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Soomaaliya Oo Wada Hadalada Guddiyada Farsamo Ee Hargeysa Iyo Muqdisho Ku Soo Dartay 4 Xubnood Oo Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland
July 25, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dawladda Soomaaliya ayaa bilowga qaybta guddiyada farsamo ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u ku soo dartay xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladdda Farmaajo.

Xubnahan oo ay tiradoodu tahay afar xubnood ayaa caqabad ku noqon kara bilowga wejiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ah guddiyo farsamo, oo ay Djibouti qorshaysay inay toddobaadkan ka furmaan dalkeeda.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, afarta xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ee ay Muqdisho doonayso inay ka mid noqdaan guddiyada farsamo ee horfadhiisan doona ergada Somaliland ayaa kala ah

Wasiirka qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan

Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

Agaasimaha wasaaradda maaliyada Saleban Sheekh Cumar

Agaasimaha wasaaradda gaashaandhiga Axmed Cabdi Kooshin

Dadka la socda geedi socodka wada hadalada ayaa aaminsan in dawladda Soomaaliya doonayso inay xubnahani carqalad ku noqodaan furitaanka wejiga labaad ee shirkan oo dhawr goor dib u dhacay ka dib markii uu Madaxweyne Farmaajo codsaday in dib loogu dhigo shirka.

Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay si adag uga hortimaado inay wada hadlaan xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo aaminsan mabda’a federaalka.

 

 

 

COMMENTS
LINKS