|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Itoobiya Oo Si Deg-deg Ah U Soo Magacaabaysa Wakiilkeedii Hargeysa!
July 28, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa si Deg-deg ah u soo Magacaabaysa Wakiilkii u fadhiyey Magaalada Hargeysa, ka dib markii la beddelay Diblumaasigii hore. Ma Jiro war ka soo baxay Dawladda Itoobiya oo la xidhiidha arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey in Weftigii uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ee dhawaan Booqashada ku yimid Somaliland ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegeen in si deg-deg ah loo soo Magacaabayo Wakiilkii Itoobiya u fadhiyey Hargeysa. Waxa kale oo Weftiga Itoobiya ay Madaxweynaha Somaliland u sheegeen in kor loo qaadayo Derajada Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa. Weftigii uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Mr. Axmed Shide ayaa Hargeysa u yimid arrimo la xidhiidha Xiisadda ka taagan Biyo-xidheenka Itoobiya ka samaysay Webiga Niil, waxayna weftiga Itoobiya ee laga soo xigtay in la soo Magacaabayo Safiirkoodii Hargeysa, ay daba socdeen Wefti ka socday Dawladda Masar, kuwaasi oo Maalmo ka hor booqasho ku yimid Somaliland. Dawladaha Itoobiya iyo Masar ayaa ku muransan biyo-xidheen saamaynaya qulqulka Webiga Niil oo ay Itoobiya hirgelisay, waxaana socda hirdan diblumaasiyadeed oo ay ku kala jiidanayaan Somaliland, wallow aanay caddayn halka arrintu Sal-dhigan doonto. Ugu dambayn, Dawladda Itoobiya Safiirkoodii hore ee Somaliland Amb Shamsudiin Axmed Rooble beddeshay bishii bishii August ee kal hore, illaa xilligana Dawladda Itoobiya Qof Safiir ahi uma joogo Somaliland, balse waxa si wanaagsan u shaqeeya Xafiiska. XIGASHO; WARGAYSA GEESKA
Related posts:Warbaahinta Gobolka Gabiley Oo Ka Hadlay Jidh Dil Ciidanka Boolisku Kula Kaceen Wariye Mukhtaar Nuux... DAAWO SAWIRRADA XAFLADDII Xuska Maalinta Saxaafadda Caalamiga Ah Ee Ay SOLJA Soo Qabanqaabisay Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Kormeer Ku Tagay Xabaalihii Hore Ee Naaso Hablood Iyo Arin Mucjiso Ah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|