Dawlada Mareykanka Oo Ka Hor-timid Xilka Qaadistii Raysal Wasaare Kheyre | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Mareykanka Oo Ka Hor-timid Xilka Qaadistii Raysal Wasaare Kheyre
July 26, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kagala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aankii kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aad uga xun tahay, islamarkaana arrintaas ay korseedi karto amni darro iyo khalkhal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in habraac khaldan loo maray xilka qaadistii Kheyre, taasina ay dib u dhac u keeni karto taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Soomaaliya.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka Safaaradda.

Mareykanka ayaa shaaciyay inuu sii wadayo taageerada uu ka geysanayo sidii doorasho dalka Soomaaliya ay ugu dhici laheyd waqtigii loogu tala-galay, taasina ay ku timaado wadatashi iyo wadahadallo ay yeeshaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira iyo Golaha Shacabka ugu baaqday inay fuliyaan heshiisyadii bilowga ahaa ee lagu gaadhay Shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

COMMENTS
LINKS