Dawlada Imaaraadka Carabka Oo Dhaqan Geliyey In Dalkooda Lagu Gali Karo Baasaboorka Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Imaaraadka Carabka Oo Dhaqan Geliyey In Dalkooda Lagu Gali Karo Baasaboorka Somaliland!
July 9, 2020 - Written by Editor:

Dubai(W,N)-Dowladda Imaaradka Carabta ayaa aqoonsatay Basaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen xukuumaddihii kala danbeeyey.

Danjirihi hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Imaaradka Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa barta uu ku leeyahay Facebookga ku sheegay in aqoonsiga Imaaradka ee Basaboorka Somalland ay ka danbaysa dalab uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu gudbiyey, Wasiirka Madaxtooyadda ahna ku xigeenka raysal wasaaraha dalka Imaaraadka.

“Dawladii UAE ayaa galisay Liiska dhalashada wadamadda ay Aqoonsatay systems kooda ee Wasaarada Arimaha guddaha Dalka Jamuuriyada Somaliland. Talaabadan baa yaa ka danbaysay ka dib dalabkii uu hore uga wada hadleen Madaxweynaha Muse Bihi Abdi iyo HH Sh Mansour Binzayed Alnahyan, Wasiirka Madaxtooyada isla markaa na ah, ku xigeenka Raysal Wasaaraha dalka UAE. Ka dib booqashadii uu Madaxweyne Muse Bihi Abdi uu ku tagay bishii April sanad kii 2018. Arintan ayaa u suurto galinaysa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool UAE, in ciqaamadooda ku qaadan karaan dhalashada Somaliland iyo Passportka Somaliland. UAE&Somaliland”.

Arrinta ayaa kusoo beegmaysa xilli furfur badan laga dareemayo siyaasadda arrimaha debadda Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS